Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo Xafiis Ka Furey Degmada Faraweyne

Faraweyne,(SLpost)-Taliyaha laanta Socdaalka Gobolka Gabiley iyo Degmada Faraweyne Maxamed Cabdi Gaas(Sanweyne), ayaa maanta xadhiga ka jarey Xafiis Laanta Socdaalku ku yeelanayso Degmada Faraweyne oo katirsan Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa.

Furitaankii Xafiiska Laanta Socdaalka ee Degmada Faraweyne, waxaa kasoo qeyb galey Guddoomiyaha Maamulka Degmada Faraweyne,Taliyaha Ciidanka Saldhiga Booliska, Maamulka Kastamka Cashuuraha Wasaarada Maaliyadu ku leedahay degmada iyo Xubno katirsan wax-garadka Degmada Faraweyne.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley iyo Degmada Faraweyne Maxamed Cabdi Gaas (Sanweyne) oo ugu horeyn hallkaasi ka Hadley ayaa sheegay in ay muddo badan qorsheynayeen sidii loo furi lahaa Xafiiskan taas oo ay dhawaan u suurta gashey Maamul ahaan in ay bilaabaan howshan Furitaanka Xafiiska Laanta Socdaalka Degmada Faraweyne, waxaana sida uu sheegay muhiimad weyn u tahay in sida aagga ay ku taalo degmadani laga hirgeliyo xafiisyada Laamaha socdaalka islamarkaana ay xoojiso xidhiidhka Xafiisyada Laanta Socdaalka, taasina ay ka qayb-qaadan karto joojinta dadka bilaa sharciga ku galaya dalka Somaliland.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Faraweyne Maxamuud Aw Cali Ibraahim oo sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan  Xafiiskan (Emigration-ka) ee maanta laga furay Degmada Faraweyne islamrkaana ay ula shaqeyn doonaan Maamul ahaan si hagar la’aan ah, Waxaanu ballan qaadey Gudoomiyihu in uu sida ugu dhakhsaha badan u howl galayo dhinacooda Xafiiska Laanta Socdaallka ee Maanta laga furey Degmada Farawene.

Sidoo kalena waxa ay Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley iyo Degmada Faraweyne ee fadhigoodu yahay Degmada Tog-Wajaale qorshaha ugu jira inay maalmaha soo socdo Xafiisyo ka furtaan Degmooyinka Alleybadey iyo Geed-balaadh oo labaduba katirsan Gobolka Gabiley.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com