Taliyaha Guud ee Booliska oo ka Warbixiyey Hawl-gallo Ciidamadu ku soo qab-qabteen Maandooriyeyaal dalka ku Cusub

Taliye Fadal

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C.laahi Fadal Iimaan ayaa maanta ka warbixiyay hawl gal ay ciidanka boolisku ku soo qabqabteen Maandooriye yaasha Khamriga ,Xashiishada iyo eedaysanayaal ay gacanta ku soo dhigeen iyo Weliba Tuugo ay ciidanku qabteen .

Taliyuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay hawlgal ay ciidamada amaanku habeenadii u danbeeyay ay ku hawlanaayeen kuwaas oo sida uu sheegay qayb ka ah sugida nabadgalyada .

Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu sheegay in Maandooriyaha ay soo qabteen waxa uu xusay inay gacanta ku soo dhigeen 21 Jirikaan oo midkiiba Sodon Litir ah,Xashiishad,nooc ka mid khamriga oo aad u halis badan sida uu Taliyuhu cadeeyay kaas oo lagu  soo xidh Xidho Baco,Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxaa kale oo uu tilmaamay inay hawl galadan ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan Sadex eedaysane oo Maandooriyayaashan watay isla markaana ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay sharciga u horgayn doonaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland waxaa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in sadexdii habeen ee u danbeeyay ay qab qabteen ilaa lix iyo konton tuug.

Taliyuhu waxa uu bulshada Somaliland ka dalbaday in sidii ay hore ula shaqaynayeen ciidamada booliska ay iminkana ka rabaan inay ka gacan siiyaan gudashada waajibaadka ay qaranka u hayaan.

Somalilandpost.net/Hargeysa