Taliyaha Guud ee Booliska oo Digniin u Jeediyey Dhalinyarada Rabshadaha Sameeya iyo Waalidiintood

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa digniin u diray dhalinyaro uu sheegay in koox -koox isugu laayaan xilliyada habeenkii xaafadaha Magaalada Hargeysa, kuwaas oo sida uu sheegay ciidamada ammaanku raacdo ugu jiraan soo qabashadooda.

Cabdilaahi Fadal IimaanTaliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo caawa u warramay warbaahinta dawladda, ayaa ka dalbaday waalidiinta inay ka warbayaan carruurtooda oo uu sheegay inay ciidamada boolisku amar u haystaan qab-qabashada dhallinyarada halista ku ah xaaladda ammaanka. “Waxaan idinla socodsiinayaa in ayaamahan danbe magaalada Hargeysa ay ka bilaabmeen dhallinyaro oo kooxo-kooxo isku dilaya kuwaas oo ciidanka boolisku aad uga hawl-galay isla markaana uu gacan bir ah ku qaban doono dhallinyaradaasi oo beryahan danbe xaafadaha qaarkood wareeriyay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku. Taliye Fadal waxa uu hadalkiisa intaas ku daray, “Ciidanka boolisku wuu ku hawl jiraa qaar badana hore ayaanu u qabanay sharcigaa la horgeeyay oo ay maxkamadaha kala duwani ganaax lacageed iyo xadhigba isugu dareen.”

Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu u digay waalidiinta iyo dhalinyarada, “Waxaan halkan uga soo jeedinayaa in ciidanka boolisku gacanta ugu adag ku qaban doonaan oo sharciga la horgayn doono. Waxaan waalidinta u soo jeedinayaa ama bulshada Somaliland gaar ahaan caasimadda in cid kasta oo waalid ah ubadkooda gacan bira ku qabtaan. Ciidanka booliskana gacan ku siiyaan kana warqabaan ubadkooda halka uu jiro. Dhalinyaradaasi dadka qaar waxa ay u gaysteen dil nafeed iy mid hantiyeedba ciidanka boolisku wuu ku hawlan yahay hawlgal kaasina waxa uu socon doonaa si joogta.

Waxaanan horgayn doonaa sharciga, waxaana lagu qaban doonaa gacan adag si ay uga waantoobaan, waalidiintana waxaan u soo jeedinayaa inay u badkooda ka war hayaan haddii iskuul jiro iyo haddii uu meel kale jiro. Cidii falkaas lagu qabtana aanay ha dhawto ka daba iman. Sharciga la horgayn doonaa,”ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan.

SOMALILANDPOST.NET