Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Qirtay Eedaymo Guddoomiyaha Wakiilladu u jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa jawaab ka bixiysay eedaymo la xidhiidha Xadhiga Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, kaas oo Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ugu jeediyey inuu amray in ehelkiisa iyo isagaba laga horjoogsado in ku booqdaan Saldhigga Dhexee magaalada Hargeysa oo uu xoghayuhu ku xidhan yahay.

Cabdilaahi Fadal IimaanGuddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska ku dhaliilay inuu ka qaban-waayey telefonkiisa gacanta ka dib markii Isaga oo Guddoomiyaha Wakiillada ah laga horjoogsaday inuu saldhigga Dhexe ku booqdo Xoghayaha Golaha Wakiillada oo Xukuumaddu amartay Xadhiggiisa. Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in booqashada ehelka iyo masuuliyiinta loo diiday marka laga reebo, xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada in laga horjoogsaday cuntadii loo geynayey saddexda wakhti.

HALKAN KA DAAWO Hadalka Taliyaha