Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Shacbiga iyo Booliska U Soo Jeediyay Inay Si Fiican u Wada Shaqeeyaan

 

Hargeysa(SLpost)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ciidanka booliska u soo jeediyay inay gacmo furan ku qaabilaan shacabiga, isla maraasna waxa uu shacabiga ugu baaqay inay ka faa’idaystaan ciidankooda booliska.

sida oo kale waxa uu beeniyay taliyahu in ganacsade lagu iibiyay laanta nabadgalyada wadooyinka ee jigjiga-yar, waxaanu sidan ku sheegay hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay “Mar walba waa inay isku xidhnaadaan ciidanka booliska iyo bulshadu, waana sida ay ku jirto danta qaranka iyo ta shacbiga Somaliland, bulshadu waa inay ka faa’idaystaan oo ay la shaqeeyaan ciidankooda booliska, booliskana waxa laga rabaa inay gacan furan ku soo dhaweeyaan bulshada.”

taliyaha oo beeninaaya iibinta laanta nabadgalyada wadooyinka ee galabeedka Hargeysa waxa uu yidhi“Waxa jaraa’idka ku soo baxday in laanta nabadgalyada awoodyinka ee jigjiga ayaa laga iibiyay nin ganacsade ah, isla markaasna loo rarayaa goobkale oo kaantaroolkii hore ah, warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, jaraadka waxaanu leenahay waxii wanaagsan umadda u sheega oo waxii kicinaaya hawsheegina. waxa kale oo xadgudub ah in nin muwaadin ah oo aan dhul bilays iibsan la sheego oo laga yaabo in lagu dhibaateeyo, arinkaas waxba kama jiraan.”