Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Digniin Adag U Jeediyay Dhalinyarrada Rabshadaha Wada

Hargeysa, (SLpost)-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay  gacan adag  ku qaban doonaan dhallinyarrada rabshadaha ka sameeya magaaladda Hargeysa  xilliyada habeenkii oo muddooyinka dambe dib uu soo noqday.

Sareeyo guuto  Cabdilaahi Fadal ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay  ka hadlayay tabobar uu soo xidhay  qaar kamid ah  ciidamada booliska,  waxaana uu tilmaamay in sharciga  lala tiigsan doono dhallinyarrada rabshad wadayaasha ah.

“Kooxaha dhallinyarrada ah ee rabshad wadeyaasha ah oo bari dhawayto ciidamada boolisku tallaabo adag ka qaaday oo  ayaamo dhawayd qaarkood soo noqdeen waxa halkan uga digayaa in gacan bir ah  lagu qaban doono sharcigana  lala tiigsan doono,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu isla shalay tababar u soo xidhay qaar ka mida ciidamada booliska oo muddo lagu carbinayay xerada ciidamada birmadka ee magaallada Hargeysa. “Waa dufcadii saddexaad ee tababarro qaata marka laga reebo dufcad iyagu ka tirsan ciidanka asluubta oo halkan iyagana tababar ku qaatay maaha qorshe ku koobanaanaya ciidamada booliska ee caasimadda Hargeysa waxa noo qorshaysan in dhammaan ciidamada booliska tababaro u furmo,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha Boolisku  waxa uu u soo jeediyay ciidamadan dhamaystay tababarka in xidhiidh la yeeshaan bulshada Somaliland waxaanu  yidhi  “Bulshadda reer Somaliland ee sida fiican inoola shaqaysa waa in aad la yeelataan  xidhiidh dhow oo wada shaqayneed,  waayo adigoo waajibkaaga qaranimo qabsanaya waxa loo baahan yahay in qofka  muwaadinka ah haddii uu yahay ka dambiga galay in aanu kaa dareemin riix-riix.”