Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo Gacanta lagu dhigay

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa xaqiijiyey inay dad u qabqabteen tuhuno la xidhiidha inay Al-shabaab ka mid yihiin.

Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sheegay in ciidamada ammaanku hawlgalo lagu sugayo nabad-gelyada dalka oo maalmihii u dambeeyay Gobolada dalka lagu fuliyey, ay ku qab-qabteen dad looga shakisan yahay inay waxyeello u geystaan ammaanka dalka.

Taliyaha oo maanta u waramayey Laanta Afka Somaliga ee idaacada BBC, waxa wax laga weydiiyey jiritaanka dadkaas waxaanu yidhi, “Dabcan way jiraan, dadkaasina way xidhan yihiin, laakiin baadhista ka hor-dhici maayo, sharciga ayaa la hor-geynayaa.”

Taliye Fadal
Taliye Fadal

Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa kale oo uu sheegay “Ciidanka booliska oo kaashanaya ciidamada ammaanku dhamaan gobolada ayay ka fuliyeen, hawgaladii ugu dambeeyay Gobolka Sool qaarbaa laga soo qabqabtay, Hargeysa qaarbaa laga qabtay,” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxayaa nin ka mid ahaa kooxdii dishay Sheekh Cabdiqaadir Gacamay,  “Ciidamada booliska ee Gobolka Sool hal nin oo arrintaas lala xidhiidhiyey way qabteen, sharciga ayaana la horgeynayaa Haddii Alle yidhaahdo, qabashadiisa cidna iskamaanaan kaashan, laakiin baadhis ayaanu ku helnay inuu qoladaa ka mid ahaa.”

Taliyaha booliska Somaliland oo la waydiiyay in dadka ay hayaan yihiin Al-shabaab iyo inay xidhiidh la lahaayeen, ayaa ku jawaabay, “Dad falalkaa loo soo xidhay way jiraan, marka baadhistu noo soo gaba-gabowdo ayaanu taana soo bandhigi doonaa,”ayuu yidhi Taliye Fadal.

SOMALILANDPOST.NET