Taliyaha Booliska iyo Xeer Ilaalinta Qaranka oo Ka hadlay Dacwad la Sheegay in lagu Oogayo Xubno Qurbejoog ah

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ay wehelinayeen Ku-simaha xero-ilaaliyaha guud ee Qaranka Aadan Axmed Muuse iyo Xero-ilaailayaha Gobolka Maroodijeex Axmed Cismaan Mirre ayaa xalay si wada-jir ah u beeniyey, isla markaana ku tilmaamay war aan sal iyo raad-toona lahayn oo been abuura oo ku soo baxay Shabakada Wararka ee Oodweynenews.com, kaas oo sheegayey in 16-qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah oo qurba-jooga laga mamnuucay inay dalka dib ugu soo noqdaan,iyaga oo ku micneeyey si isku mida warkaasi inuu yahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in Weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland ee ku sugan dalka Ingiriiska in lagu kiciyo dadka.

Sida waxay sadexdan masuul ku sheegeen Shirjaraa’id oo xalay ay ku qabteen saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

taliye fadalTaliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxba kama jiraan been abuur ah ku tilmaamay war maanta ku soo baxay shabadaha Warbaahinta Qarkood, isaga oo warkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Websiteyada Waxa ku soo baxay war-sheegaya in 16-qof oo ah muwaadiniin reer Somaliland ah oo qurba-jooga la eedeeyey dalkana laga mamnuucay inay soo galaan, waxaan halkan ka xaqii-jinayaa inaanay wax dacwad ah ama eed ah oo aanu dadkaa uga gudbinay  xero-ilaalinta Somaliland aanu jirin aniga oo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland, waxa kale oo aan cadeynayaa inaanay jirin cid ka mamnuucday imaanshiyaha dalka dadkaasi, warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuura”Taliye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

“Dadkan muwaadiniinta ah eek u qoran halkan oo aan in baddan garanayo wax eed ah ama gal ah oo ciidanka boolisku uu furey iyo meel lagu eedeeyey iyo meel lagu dacweeyey iyo oobi ay soo galeen midna ma hayno mana jirto. Ciidanka boolisku wax ayey baadhaan, kadibna waxay u gudbiyaan xero-ilaalinta iyo Xafiiska xero-ilaaliyaga guud, muwaadiniintaasi waxay xaq u leeyihiin warka been abuurka ah ee la sameeyey inay dacwad ka furtaan”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan oo hadalkiisa sii watey.

Ku-simaha xero-ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse oo faah-faahsan uga hadlayey  qaabka been abuurka ah ee warqadan loo sameeyey, waxa uu yidhi “Waxaan maanta halkan ku beenaynaynaa qoraalka lagu soo saarey Website-yada oo ku soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 17/4/2013,taas oo laga soo dheegtey oo lagu meeqaamay war-qad hore oo xero-ilaaliyaha gobolku Axmed Mirre Cismaan uu u gudbiyey Maxkamada Gobolka Hargeysa ee Maroodi-jeex, taas oo ahayd eedo lagu sameeyey been-abuur sida ka muuqata warqada, been abuurkaasna waxa idiin cadeynaya, qeybta hore ee warqadu waa tii Xafiiska (Head-ka) qeybta danbe ee warqaduna waa tii Xafiiska, laakin inta dhexe ayuun-ba lagu sameeyey wixii la rabay ee u-jeedada laga lahaa, u-jeedada laga leeyahayna waxaan u fahmay inay tahay arrin siyaasadeed maadama Madaxweynihii iyo Weftigiisu ay joogaan dalka Ingiriiska in lagaga horkeeno dadka”.

Ku-simaha Xero-ilaaliyaha guud ee qaranku waxa uu sheegay, “Cid ayaa sameysay Warqadan been-abuurka, ciddaasi waxa cadeyn doonta  Website-ka qorey ee Oodweynenews.com oo masuul ka noqon doona wixii ka yimaadaba, anniguna aan amrayo in imika baadhis lagu sameeyo oo la soo qabto ciddii ka danbaysay falkan”.

“Waxa ku qoran Ujeedo: Codsi dacwad sida waafaqsan xeerka ciqaabta ee 71, waa qaabka aan dacwadaha u sameyno cidda la eedeynayo,muwaadiniinta 16-ka ee ku qoran qoraalkan oo aan anigu baddankooda garanayo cid kaliya oo eedeysan oo aanu gal-dacwadeed u heyno ama boolis ha ka timaado ama hay’adaha kale ee baadhista ha ka timaado meel xero-ilaalinta ha ka timaade cid kaliya oo aanu gal-dacwadeed u haynaa ma jirto. Waa muwaadiniin oo xaq ayey u leeyihiin inay dalkooda yimaadaan”.Ayuu yidhi Aadan Axmed Muuse oo ah ku-simaha xero-ilaaliyaha guud ee qaranka.

Mar Aadan la hadlayey dadka dadka qurba-jooga reer Somaliland ee laga been abuurey qoraalka sheegaya in laga mamnuucay inay dalka yimaadaan waxa uu yidhiu “Annagu dacwad ayaanu ka furanaynaa, iyagana (Muwaadiniinta qurba-jooga)waxaan kula talinayaa inay dacwad ka furtaan maadama ay sharaftiini dhaawaceen oo ay idinka been abuureen, markaa ama halkan (Hargeysa) ama halkaas (dibada) dacwad kaga fura xaq ayaad u leedihiin sharciyan”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxa kale oo aan rabaa inaan sharciyan cadeeyo ama xero-ilaaliye gobol ha ahaado, ama xero-ilaaliye guud ha ahaado ama janan boolis ha ahaado, ama taliye qeybeed ha ahaado intayaduba midna awood umalaha inaanu nidhaahno muwaadin ayaanu waddanka ka mamnuucnay inuu yimaado, xukun maxkamadeed ayaa odhan kara qaanuuniyan, sida ay u qoreena waxa qortey cid aan sharciga waxba ka garanayn oo u jeedo gaara ka leh waana dan cidd kale loola jeedo,warkaasina waa war-been abuura oo aan sal iyo raad-toona lahayn oo been abuura waxaanan ka qaadayna talaabo cad oo sharciga waafaqsan”

Xeer-ilaaliyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Cismaan Mirre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey qaabka ay warqadani ku soo baxday, waxaanu yidhi “Sidaa taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland iyo kusimaha Xero-ilaaliyaha guud ay labaduba u sheegeen qoraalkaasu waa qoraal la been abuurey, sida Xero-ilaaliyaha guud u sheegay Wejiga hore ee Warqadu iyo saxeexa danbe ee warqadu waa qaabka aanu u sameyno dacwadaha, weliba Nu,mber-ka ay wadato aniga oo aan halkan ka sheegayn ciddii ku eedeysnayd, waxaanan filayaa inaanu baadhista ku cadeyno.

Sida xeerka saxaafada iyo xeerarka kale ee waddankuba ku cad cid-waliba waa danbi qabte cidii wax aanay hubin baahisa waa masuuliyad darro, dabcan iyadana sharciga ayaa la waafajinayaa sida madaxda kaleba sheegtey…….Khaladaadkuna way iska baddan yihiin waana masiibooyinka laga dhaxlay burburkii oo aan weli laga kabanin, annaguse waxaanu leenahay anshaxa ha la dhowro Beentana Allihii wax abuurteyna cid walba wuu kula xisaabtamayaa nin been abuurey, nin wax caayey iyo nin xaalad abuureyba waa wax u yaala maalintan maalin ka culus, annaguna waanu ku kalsoonahay shaqadayada,” ayuu yidhi.

WARAAQAHA INTERNETKA LAGU BAAHIYEY

WARQADDA KOOWAAD

warqadda la baahiyey1

WARQADDA LABAAD


Warqadda la baahiyey2

SOMALILANDPOST.NET