Taliyaha Boliiska Gobolka Sanaag ee Somaliland Iyo Baabuurkiisii Oo Daad Qaaday

Ceerigaabo(SLpost) Taliyaha Boliiska Gobolka Sanaag G/le-Xasan Ismaaciil Gacmayare ayaa isagoo subaxnimadii saaka magaalada Ceerigaabo uga ambabaxay Dhinaca Magaala-xeebeedda Maydh waxa duhurnimadii baabuurkii oo ay saaran yihiin Askar boliis ah iyo Taliyihii Daad kula tegey Tog lagu magcaabo Dub-madaxweyn oo qiyaastii 3-km Magaalada Rugey dhinaca xeebta Maydh ka xiga.

Taliyaa sanaag

Ilaa hadda inta ay xaqiijiyeen dad goobtaas ku sugan oo aannu la xidhiidhnay baabuurkaas iyo agab wixii saarnaa waxa qaaday Daad Halka ciidankii saarnaa iyo taliyihii xaalad adag kaga badbaadeen daadkaas sidoo kalena hal qori oo ka mid ah hubkii askartu sidateyna uu daadkaasi qaaday oo la la’ yahay.

Waxana Taliyaha iyo askartiisii xilligan ku sugan yihiinTuulada Rugey Ee Gubanka oo qiyaastii ah 50-km Waqooyiga Ceerigaabo Dhinaca kalena dhaqdhaqaaqyada sidii taliyaha iyo ciidankaas iyo baabuurka daadku la tegey loogu gurman lahaa ayaa laga dareemayaa ciidanka boliiska iyo madaxda dawladda heer gobol iyo degmoba.

Somalilandpost.net

Ceerigaabo