Taliska Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Xadhiga Sheekh Aadan Sune

 

Hargeysa  (Slpost) Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay xadhiga Sheekh Aadan Sune oo ka mid ah Culimada Somaliland, kaas oo ay xalay Ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen.

 

faysal-xiis

 

 

 

 

 

 

 

 

Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis Maxamed warbaahinta la hadlay waxa uu faah-faahin ka bixiyay sababta loo xidhay Sheekh Aadan Sune.

 

 

“Waxaanu halkan idinka sheegayna in xalay oo bishu aheyd 2/5/2016, saacdauna ahayd ilaa 12:20 habeenimo  Ciidanka Boolisku waxa ay soo qabten oo ay xarunta C.I.D ay ku xidheen Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne).  Sheekhaasi waxa uu ku kacey falal nabad galyo daro oo khatar ku ah bulshada Somaliland.” ayuu yidhi Gaashaanle sare Faysal Xiis.

 

 

 

Halkan ka dhagayso hadalka Afhayeenka Booliska.

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa