Taladii minguurtiyo fikirkii maroorsamay.

 

Taariikh sugan lama hayo, in soomaalidu nidaamkan xilli biloowday iyo siday ku bilowday. Laakiin aan ku hillaadino waagii ay xeer iyo xakame u baahatay inay nidaamkan hindistay. Marka loo eego, nidaamyada adduunka ka jira, malahayga way yartay inta soo raacda ee leh, nidaamkan is maamul. Bal akhristoow ku dhereri nidaamyada dawliga ah ee adduunka lagaga dhaqmo, sida Dimuqraadiyadda, Hanti-wadaagga iyo kuwayoowga la midka ah.

Nidaamkan Odayeynta, waxaa lagaga soo gudbay xilliyo adag oo aan lagaga gudbeen nidaamyada aynu maanta qaadanay, xaqiiqduna waxay tahay in lagu barwaaqoobay, in lagu badhaadhay oo dadku ay ku gaadheen iskaashi iyo wadajir.

Nidaamkani, waa nidaam jira, oo leh dhalliilo iyo dheef intaba waana ta keenaysa jiritaankiisa. Waxa uu la jaanqaadayaa heer walba oo aqooneed, haddaan laga leexin majarihiisa. Hab iyo hannaan kasta oo lagu xalliyana wuu ka gudbayaa oo dhismihiisa ayaa ah mid qaangaadh ah. Ila tijaabi, wakhtina ku qaado siduu faa’idada ugu lahaa ummadda. Siiba inta ku dhaqantay ee haysata.

Qayb kamid ah, maqaal taxane ahaa.

Qalinka : Cabdicasiis Ibraahin Ciise ‘Daacad’