Tahriibtu waa aafo qaran oo ku habsatay dalkeena waa aafo qaran oo dhalinyartii hablo iyo inamaba qulqulayaan waa aafo qaran oo ka mid noqotay in loo tacabiro qurbaha gaar ahaan wadamada reer Galbeedka ah.
Waxaan marwalba akhristaa kana naxaa runtii in siyaasiyiintu aay ka dhigteen dhaliil hadba ku wajahan xukuumadda joogta loogana dhigo in xukuumada laga tahriibayo laakiin arinku sidaa waa ka duwanyahay sideey aniga ila tahay.
Tahriibku manta waxa uu gaaray heer uu ganacsi noqday wuxuu saameeyay qooysaskii danyarta ahaa iyo qooysaskii awood dhaqaale lahaaba ,waxuu saameeyay ardaydii jaamacadaha dhiganayay kuwii dugsiyadda sare dhiganayay kuwii isboortiga ahaa kuwii suuqa ka shaqeeysanayay iyo kuwii degmooyinka joogay .
Hadaba waxaan dadka waaweeyn ee siyaasiyiinta ah ee wadankan la doonayo in uu gaaro ictiraaf u jiheen lahaa ayaa halkii la doonayay in laga midaaysnaado xal u helida ama loo yareeyn lahaa aafadaa qaran cid gaara ku tuuraya.
Qisaan xasuustay aan u soo joogay sanadihii bilawgii todabaataneeyadii anigoo iskuulka ku socda ayaan ku habsaami jiray dad badan oo ka yimid Hargeisa ama iyo Burco oo safaf dhaadheer ugu jira qaadashada Paasabor aay ugu haajiraan Sacuudiga waxaay goobtu ahaayd Halkii Fiyooraha ee taleex u dhaweeyd raxan raxan ayeey u safnaayeen waxaa loo fududeeyay passboorkii cimro ayeey sii qaadan jireen halkaaseey u shaqo tagi jireen.
Manta waa sidii oo kale waxaay isku biimaaynayaan sidii aay u gali lahaayeen Europe ama wadamada reer Galbeedka ah dhalinteenii waxaanad moodaa in aalada Facebooga uu qaaybweeyn ka qaadanaayso tahriibta oo xataa inta la sii socdo iyo kadiba lagu wada xariiro qof waliba saaxiibadii kale uu hiyi kaciyo tahriibkuna sii laba laabmo.
Tusaale inan dhalinyaro ah oo tahriibay oo Maalta Jooga hadda walina xero ku jira ayaa faceboogiisa ku qoray waxaan joogaa oon ku noolahay Norway saaxiibadii waxaay la yaabeen mudadaas gaaban sida uu ku gaaray Norway halkaasi waxaa ka dhashay in ayagiina tahriibaan waa aafo.
Wxaan xal u arkaa anigu.
In aan qofna lagu eedeeyn maadaama qofwalba aay saamaaysay lagana yeesho talo guud muxaafid iyo mucaaridba ,wadaad iyo waranlaba wacygalin fiicana dalka laga abaabulo ,waxaase ugu muhiimsan in dhalinyarta loo abaabulo siminaaro wacyigalineed lana dhiso garoomo aay ku cayaaraan iyo sortiska oo si cilmiyeeysan loo habeeyo tartamada shoolaadka ,Jaamacadaha iyo wixii la mida .
Xukuumada Waxaa ku waajib ah in aay la timaado qorshe ku salaaysan sidii wax looga qaban lahaa aafadaas mucaaridkuna uu wax kastoo talo ah aay ka geeystaan aafadan dalkeena la soo gudboonaatay waxaanan kula talin lahaa in xoog la saaro.
1-In la cidhib tiro dadka ka ganacsada qaabka tahriibka ee isku xidhan lana dhabarjaro.
2.In aay ku dadaalaan shaqo abuur lana soo celiyo habkii shaqada qaranka markaay dhalintu ka baxaan dugsiyadda sare si wadaniyada aay u dareemaan una bartaan waana arin caalami ah oo wadan walba uu ku dhaqmo.
3-Qurba joogu waa in had iyo goor sharaxaan iftiimiyaana waxyaabaha ka horeeya dhalinteena iyo dhibaatooyinka manta yaala qurbaha.
Ugu dambeeyntii waa masuuliyad ina wada saran sidii loo cidhib tiri lahaa aafadan ina hortaala sidaa daraadeed waxaa inaga reeban in loo aaneeyo cidgaara in aay ka masuultahay aafadaas qaran dhalinyaraduna inshaa alaahu aaminaan wadankooda hooyo.
Allaa mahad leh
Hassan Waraabacadde
Oslo Norway
Hassanabdalla5@hotmail.com