Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku Geeriyooday Xeebaha dalka Yemen

SANCA (SLpost0)- Dooni ay saarnaayeen Tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, ayaa ku degtay biyaha Gacanka Cadan, gaar ahaan xeebaha dalka Yemen, waxaana halkaas ku geeriyooday inta badan tahriibayaashii saarnaa doontaas oo u sii jeedday dhinaca dalka Yemen.

Doonta oo ku degtay meel u dhow xeebaha dalka Yemen, waxa saarnaa 49 qof oo badankoodu Soomaali yihiin waxaana ka samato-baxay oo la badbaadiyey 13 qof oo siddeed ka mid ahi u dhasheen dalka Itoobiya, sida ay sheegeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Yemen oo samato-bixiyey tahriibayaasha.

tahriibkaSaleh al-Sobari oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda waddanka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka SABA, inay soo badbadiyeen 13 ruux oo siddeed ka mid ahi yihiin Itoobiyaan.

Waxa ay saraakiishu sheegeen in maalintii Isniinta ee todobaadkan ay doontu ku degtay Xeebaha Koonfur-Bari ee dalka Yemen, waxaana la rumaysan in doontasii ku geeriyoodeen inta badan dadkii saarnaa, kuwaas oo meydadkooda ay heleen ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen.

Lama sheegin meesha ay Tahriibayaashu ka raaceen Doonta, haseyeeshee waxa la rumaysan yahay inay ka baxday Xeebaha dalkaasi Soomaaliya oo inta badan marin u ah tahriibayaasha Soomaalida iyo Itoobiyaanka oo marka ay dalka Yemen gaadhaan uga sii gudba waddamada Khaliifka Carabta oo ay shaqooyin ka raadsadaan.

Somalilandpost.net