TACSI tiiraanyo leh: Marxuum Cali Cabdi Cawaale oo ku geeriyooday Magaalada Birmingham ee dalka UK

tacsiKhadar Iid Kaariye, Madar Cabdi Axmed, Maxamed Siciid Cabdilaahi, Guuleed Xasan Maxamed, Jacfar Axmed Bade, Baaruud Axmed Cabdilaahi, Siciid Maxamed Askar, Cabdirisaaq Muxumed Caalin, Caydaruus Sh. Cumar, Cismaan Axmed Cismaan, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Caydaruus Ismaaciil Cabdi, Abokor Sh. Axmed.

***                                        ****                                     ***

Mustafe Maxamed Cabdi (Janaale), Maazim Axmed Cawaale, Siciid Xaashi Xuseen, Maxamuud Cali Maxamed, Siciid Cabdi Xadhigle, Cabdiqaadir Maxamed Kabadhe, Cabdikariim Muxumed Cadde (Qaamuus), Nimcaan Dagaal.

Dhammaan Dadkaasi waxa ay tacsi u dirayaan Ehelkii, Qaraabadii yo Asxaabtii uu ka baxay Alle Ha u naxariistee Marxuum Cali Cabdi Cawaale oo maanta ku geeriyooday Magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, waxaanay tacsidan si gaar ah ugu dirayaan Wariye Liibaan Fagadhe oo Marxuumku Adeerkii ahaa.

Alle ha u naxariistee, marxuum Cali Cabdi Cawaale oo xaaladdiisa caafimaad liidatay, ayaa muddooyinkii u dambeeyey lagu xannaanaynayey Cusbitaal ku yaal magaalada Birmingham oo marxuumku maanta ku geeriyooday.

Waxa ay marxuumka Ebbe uga baryeyaan Naxariistii Janno ka waraabiyo, dhammaan Ehelkii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin……………………Aamiin……………………….Aamiin.