TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay MARXUUUM, CABDI AADAN NUUR oo ku geeriyooday Burco 05/04/2012 laguna aasay.

MARXUUMKU, waxa uu Xilal kala Duwan ka soo qabt
ay Dalka, xilalkaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debeda, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii ugu horaysay ee  Civil Servant-ka ee Somaliland Markii ay ka Xorowday Boqortooyadii Ingiriiska.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.