TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Maxamed Xuseen Caabi iyo Marxuum Cabdilaahi Cabdi Axmed (Kubado)

[stextbox id=”info”]TACSI MADAXWEYNE[/stextbox]

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u Dirayaa Wasiirka Wax-barashada Tacliinta Sare Marwo, Samsam Cabdi Aadan waxaanu ka tacsiyadaynayaa  Geerida ku timid Sayigeedii MARXUUM MAXAMED HUSEEN CAABI, oo ku geeriyooday Wadanka Ingiriiska, waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL. MARXUUM CABDILAAHI CABDI AXMED (KUBADO), oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 04/01/2012.

 Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumiintaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin…Aamiin…..Aamiin