TACSI: Guddoomiyihii Gobolka Oodweyne Marxuum Maxamed Gahayr Xirsi…

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Gobolka Oodweyne oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Gudoomiyihii Gobolka Oodweyne MARXUUM MAXAMED GAHAYR XIRSI oo ku geeriyooday magaalada Hargeisa Galabta 02.10.2011.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdillaahi Maxamed Daahir  (Cukuse) 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Abwaan Maxamed Jaamac Kayd, Eng. Cabdi Cali Jaamac, Eng. Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Dakhare), Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, Dr. Cabdi Baashe Muruqliqe, Dr. Xasan Jaamac Maxamuud, Maxamed Axmed Kayse, Maxamuud Salaan Faroole, Khadar Faarax Xuseen, Ducaale Cabdi Fuuraa, Maxamuud Maxamed Xaseen (Jeembar), Maxamed Faysal Xaji Jaamac (Ramadaan), Cabdiqaadir Ibraahin Uurdoox, Jamaal Cabdilaahi Ibraahin Dhugax.

Dhamaan dadkaasi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Gudddoomiyihii Gobolka Daad Madheedh (Oodweyne) Marxuum Maxamed Daahir Cabdi oo 02/10/2011 ku geeriyooday Cisbitaalka Hargeisa, waxanay leeyihiin ‘Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo, marxuumkana naxariistii janno haka waraabiyo’..  Aamiin.. Aamiin.