Tabobare Mourinho oo Meesha ka saaray inuu ku laabto Kooxda Chelsea

[stextbox id=”info”]SLpost Sports[/stextbox]

1 March, 2012 – Tabobarihii hore ee Kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu xilli-ciyaareedka dambe ku soo laabanayo kooxda garoonka Stamford Bridge.

Todobaadkan gudihiisa markii la arkay sawirro muujinaya tabobarahan u dhashay Portugal oo magaalada London ka baadi-doonaya guri uu iibsado, qaar ka mid ah taageerayaasa Chelsea waxa u qaateen in tabobaraha kooxda Real Madrid uu ku soo laabanayo shaqadii uu kooxda ka hayn jiray intii u dhaxaysay sannadihii 2004 iyo 2007.

Haseyeeshee, sida ay qortay jariiradda Daily Mirror, Mourinho waxa uu mulkiilaha hudheel cunto oo uu aad u xiiseeyo u sheegay inaanu ku soo laaban doonin naadiga uu hore guulaha u gaadhsiiyey.

Marietta Maccioni oo ah gabadh uu dhalay Alvaro Maccioni, Mulkiilaha hudheelka La Famiglia, oo uu Mourinho Macmiil la yahay wakhtiga uu London ku sugan yahay, ayaa tidhi, “Waa wax wanaagsan muddo dheer ka dib, inaan mar labaad arko.”

“Waxa la socday xaaskiisa, Dumaashidii iyo ninkeeda. Waxay halkan ka cuneen qado aad u wanaagsan oo ay ku raaxaysteen.”

“Jose waxa uu muddo la hadlayey aabahay, oo aan u malaynayo inay ka wada hadlayeen arrimo khuseeya qoyska iyo ganacsiga.”

“Waxa uu sheegay inuu xaafaddayada ka baadi-goobay guri uu iibsado, waliba dhul ballaadhan oo uu qoyskiisa oo dhan la doonayo.”

“Shaqaalaha Hudheelka badankoodu waxay taageeraan Chelsea, xataa aniga, waxaanay weydiinayeen haddii uu ku soo laabanayo naadiga.”

Gabadhani waxa kale oo ay sheegtay inuu u caddeeyey inaanu ku soo laabanayn kooxdiisii hore ee Chelsea uu laba jeer la qaaday Horyaalka Ingiriiska iyo koobab kale oobadan.