Tabobare Benitez oo Miciyaha u Lisanaya inuu Macalin u noqdo Koox weyn oo aanu magacaabin

SLpost Sports Tabobarihii hore ee kooxaha Liverpool iyo Inter Milan, Rafael Benitez ayaa xaqiijiyay inuu raadinayo inuu ku soo laabto shaqada tababaraha oo uu qabto koox weyn, isagoo ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo shaqada imika ka bannaan kooxda Chelsea.

Tababarahan u dhashay dalka Spain ayaa ku jira ragga ugu cadcad ee laga yaabo inay qabtaan Stamford Bridge, taasoo noqotay mid bannaan ka dib markii la eryey Andre Villas-Boas.

Benitez ayaa koobab waaweyn ku guuleystay intii uu macalinka soo ahaa oo uu hayay Kooxaha Liverpool, Inter iyo Valencia, isagoo qaaday Champions League, UEFA Cup, Laba jeer oo Horyaalka La Liga iyo FA Cup. Haseyeeshee, 51 jirkan ayaa diiday inuu si toos ah carabka ugu dhufto inuu doonayo inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda galbeedka London, isagoo sidoo kale naxariis u dareemay Villas-Boas. Mar la weydiiyay hadii uu xiiseynayo shaqada kooxda Chelsea, waxa uu u sheegay Sky Sport, “Waxaan jeclaan lahaa inaan mustaqbalka tababare u noqdo koox weyn oo u dagaalami karta koobab. Taas ayay aheyd fikirkeyga markii aan tagay Liverpool iyo Inter, Valencia iyadana la mid ayay aheyd.” Waxaanu hadalkiisii sii raaciyey, “Khibradeydu waxa ay taalaa Champions league, inaan tartan galo iyo inaan isku dayo inaan koobab ku guuleysto. Ma jecli inaan arko tababare shaqadiisa waayaya.”

Tababare Benitez waxa kale uu sheegay in barigii hore ay dadku samri jireen, laakiin imika arrinku uu yahay in  toddobaad kasta la badiyo, “Markii hore dadku waa ay samri jireen, laakiin haatan waa inaad badisaa toddobaad kasta, waxaan khibrad ka soo qaatay Spain iyo Italy waana ka sii xun tahay xaaladu, haddii laba ama saddex kulan guul-darraysato waxaabad ku jirtaa caddaadis,” ayuu yidhi tabobarahan caanka ku noqday kooxda Liverpool oo intii uu joogay kula guulaystay Koobab.

SLpost Sports News

sports@somalilandpost.net