“Taariikh-nololeedkii M.M Kastan iyo Intii aan ka Aqaanay” – Mustafe Cabdi Shiine, Badhasaabka Gabiley

shiineWaxa caawa saacad danbe aan daawaday barnaamij laga diyaariyay ALLE naxariistiisa jano ha ka waraabiyee Marxuum M.M.Kastan oo ay geeridiisu ku beegnayd 11.06.2014 sanatkii tegay.

Waxa ka hadlay rag aad u yaqaanay oo uu Xusseen Cali Nuur ka mid yahay.

Bal aan intii aan ka aqaanay iyo goortaan bartay wax ka idhaahdo.

ALLE ha u naxariistee waxa igu horeysay aragiisa 1993kii badhtamaheedii waxaan ka hawlgeli jiray wargeyskii Codka Hargeysa oonu ku soo saari jiray indianlinka halka uu gaamuur Haamaha iyo doonyaha uu sameeyo dhigto ama ka soo horjeedka dhismaha Keyse bushaaro waxa uu ahaa nin ay aad uga muuqato astaamaha diinta xiligaa madaxdana ku daroo wey yard cid sidiisa ah.

Muddo kadib, ayuu arkay in dhawr nin oon ku jiro uu ku taagan yahay wargeyskii Codka Hargeysa, iyadoo uu arkay waxoogaa is faham la’aan na dhex timid dhalinta uu xushay oo markaa uu noogu cuslaa Muuse Faarax Jaanbiir, kana mid ahaayeen ALLE ha u naxariistee isna Ismaaciil Ibraahin Qodax iyo marxuum Maxamed Axmed Ciise (Maxamed Case) oo isna geeriyooday dhawaan waxana uu noo soo jeediyay inaanu samaysano wargeys aanu intayadaa yeelano waxana, aanu soo saaray wargeyskii la odhan jiray Goobjoog oonu ku soo saaray meel ku dhaw heegada ama dhinaca galbeed ee saldhiga dhex, balse dedaal uu sameeyay Cumar Jaamac oo ahaa masuulkii wargeyskii Codka Hargeysa waanu xidhnay.

Dagaalkii sokeeye,kadib ila iyo dabayaaqadii 1994kii waxa kastam uu ku soo biiray wargeyskii Codka Hargeysa waxana uu noo noqday maamule, wax yar kadib, haddana waxa isaga iyo labada marxuum ee Qodax iyo Maxamed Case oonu Codka Hargeysa ka wada hawlgelaynay ay haddana gaar u soo saareen wargeys kale oo magaciisu ahaa dambaal, kaasi oo aan wakhti badan sii jir in.

Marxuumku waxa uu maareeye ka noqday madbacad uu la yimid Sandoon oo ilaa maanta jirta sidaan la socdo, kadibna waxa uu u wareegay wargeyska Jamhuuriya,isagoo sidoo kalena ka hawlgelaayay tvga Somaliland space chanel, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay tvga Horn cable TV iyo Somaliland national TV.

Waxa uu daabacay dhawr buug oo xigmado uu soo ururiyay uu ku soo bandhigay.

Waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanan xusuustaa in shirweynihii 2aad ee SOLJA oo 17 saxaafi oon ka mid ahaa aanu mid keliya codkiisa siin,marka laga reebo aniga oonu isku aragti ka ahayn sida aanu ururka u doonaynay oo ahayd in ururka yahay ururka suxufiyiinta, balse aanu ahayn mid ay Lee yihiin mulkiilayaasha hayadaha warbaahinta, kaasi oo aan shirweynihii 3aad ee ururka ku soo dhamaystiray in laga fogeeyo ururka mulkiilayaasha warbaahinta,inkastoo markii aan ka tegay ururka 2011kii badhtamaheedii uu xoghaye ka noqday mulkiilihii wargeyska saxafi, ALLE ha u naxariistee saaxiibkay Maxamed Rashiid, halka uu gudoomiye xigeena ka noqday mulkiilaha wargeyska Yool saaxiibkayga kale Curad.

Haddii aan wado waxa aan ka qori karaa buugaag inta aan ka aqaan Kastam oo ahaa walaal aan aad u jeclaa isaguna aan u ahaa shaqsi uu ku kalsoonaa, waxa ragga ay sida aad ka ah isugu dhawaayeen ka mid ahaa Axmed yaasiin Cismaan Mooge, Xusseen Cali Nuur,Ismaaciil Maxamuud Caraale, Xassan Cabdi Madar, Cabdiqani Axmed Askar, Marxuum Ismaaciil Ibraahin Qodax, Marxuum Maxamed Axmed Ciise (Maxamed Case ) Xassan Siciid Yuusuf iyo rag badan oonan halkan ku xusi karin.

ILLAAHAY ha u naxariisto isaga iyo intii saxaafada ka baxday oo tiro ahaan aad u badan. A AMIIN. …..AAMIIIIIIIIIN