Taariikhda Raadhyow Hargaysa iyo Agaasime-Waaxeedyadii Soo Maray – W/Q: Cali Cabdi Coomay

CALI COOMAYIdaacadda Radhyow Hargays, oo magaceedii hore ahaa Radhyow KUDU. Erayga KUDU waa goodirka. Waxay ahayd idaacaddii ugu horaysay ee Af-soomali ku hadasha adduunka. Sannadkii 1941-kii ayaa la bilaabay tijaabadii ugu horaysay. Waxay socotay tijaabadaasi ilaa 1942-kii.

Waxa idaacada si toos u maamulayey dawlada ingiriiska oo wakhtigan ka talinaysay Somaliland. Sannadkii 1944-kii ayaa laga bedelay magacii Radhyow KUDU, waxaana laga dhigay Radhyow Hargaysa. Ninkii ugu horeeyey ee ka hadla idaacada Radhyow Hagaysa wuxuu ahaa Xaaji Cabdi Ayuub, waxaanu markii dambe noqday ninkii ugu ee ka hadla idaacadda BBC laanta af-soomaaliga, oo sannadkii 1957-kii. Wakhtigan oo ahayd markii la aas-aasay idaacadda BBC Somali.

Agaasime-waaxeedyadii soo maray Radhyow Hargaysa

Magaca                                                                                 Muddada Xilka

  • Xaaji Cabdi Ducaale (Cabdi aYuub)… 1945.1955
  • C/raxmaan Caabi Faarax……1955……..1965
  • Maxamed Xaashi Cabdi………1965…1968
  • Mustafe Xaaji Nuur………1973
  • Axmed Faarax Kaahin……1973……..1976
  • C/kariim Xaaji Ducaale……1976…….1979
  • Idiris Cigaal Nuur……1979……..1982
  • Cali Sh. Axmed Caraale……1982…1984
  • Xasan Cali Kuuriye……1984………1990
  • Ibraahin shiine……June 1991…..Nov 1991
  • Xuseen C/laahi Deeqsi… Dec 1991……1992
  • Rashiid Cismaan  (Rashiid-Lugay)… 1992……1993
  • Maxamed-Siciid Muxumed…………1994…..1996
  • Siciid Adan Cige……1997……2002
  • Maxamed-Siciid Muxumed………2002…….2011
  • Siciid Adan Cige……2011..ilaa imika

F.G:  Agaasme-waaxeed, madaxa idaacada iyo isu-duwaha idaacada ayaa loogu yeedhi jiray qofkii madax ka noqda idaacada.

 

Xigasho:

British protectorate media office………………unpublished paper

Wasaaradii Waxbarashada Soomaaliya……………keyd

Xuseen C/laahi Deeqsi………………………………..Waraysi

C/laahi Jaamac maxamed…………………………..Waraysi