Taariikhda Al-islaax Soomaaliya – W/Q: Cali Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Ururka Al-islaax waxa la aasaasay sannadkii 1978 bishii julaay. Dhinaca fikirka iyo mabaadiida waxay aad ugu dhaw yihiin ikhwaanu muslimiinta adduunka. Waxay xidhiidh toos ah la leeyihiin  ikhwaanu muslimiinta ku xoogan dalka masar. Sh. Max’ed Ahmed Gadhyare ayaa noqday guddoomiyihii ugu horeeeyey ee Al-islaax ee geeska afrika, waxaanu Sh. Gadhyare hore uga tirsanaa ikhwaanu muslimiinta caalamiga ah. Sida uu dhigayo sharciga Al-islaax mudada xil hayntu waxay ahayd laba jeer oo min shan sano ahayd. Ururku wuxuu ku gacan saydhay dalbayo uga yimid jabhadihii hubaysnaa ee dagaalka kula jiray dawladii Max’ed siyaad barre, waxaana la soo xidhiidhay jabhadaha kala ahaa: USC, SPM iyo SNM oo dhammaantood doonayey inay gacan weyn ka helaan. Sannadkii 1989 ayuu ururka Al-islaax soo saaray baaqa uu kaga codsanayo Max’ed siyaad barre inuu xilka ka dego, haddii kale uu dalku geli doono dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daato.

Sanndkii 1990 ayuu hogaamiyihii ururka Al-islaax Sh. Gadhyare wareejiyey xilkii ururka, waxaanu ku wareejiyey Max’ed cali ibraahin, oo wakhtigaa ahaa arday wax ku barta dalka sacuudiga jaamacad ku taal. Arrintani ayaa dad badan ku noqatay la yaab in hogaanka ururka loo dhiibo arday aan lahayn waayo-aragnimo hogaan iyo mid aqooneed. Hasayeeshe ururka wuu ku dhiiraday inuu sidaasi yeelo. Wakhtigan hogaanka cusub loo doortay wuxuu ku soo beegmay xilli ay dalka ka curteen dagaallo sokeeye. Arrintani waxay fursad siisay hogaamiyihii da’da yaraa, oo aan dalka gudihiisa joogin ee dibada ku maqnaa inuu xilka iska haysto.

Sababta kale ee jirtay ayaa ahayd in ururku aanu lahayn garab hubaysan ugumanay jirin manhajkooda in dagaal la galo. Qaar ka mid ahaa ururka ayaa soo jeediyey in la sameeyo garab hubaysan oo dagaalama, balse waxa diidmo xoogan kala horyimid hogaankii sare ee ururka, aakhirkiina dalabkii ahaa in dagaal la galo waa la diiday. Markii dawladii Max’ed siyaad barre burburtay waxa kala qaxay xubnihii ururka islaax oo mid kasta raacay amma tegay dhulkii ay beeshoodu deganayd, si colaada ay uga gabbadaan. Arrintani waxay kala daadsanaan ku abuurtay ururkii, waxa kale oo soo baxay in qaar ka mid ahi ku biireen ururkii Al-ittixaad ee dagaalka ku jiray. Ka dib ururkii ikhwaanu muslimiinta caalamka ayaa uga digay Al-islaax inay iska ilaaliyaa inay ka qaybgalaan dagaalka sokeeye ee ka socada gudaha soomaaliya. Islamarkaana waxba ku darsan ururada kale ee dagaalamaya.

Intii u dhexaysay sannadihii 1991 ilaa 1992 ururka islaax wuxuu dhexdabaalanayey jahawareer hogaamineed. Waxaanu ku sigtay inuu ka leexdo ujeedooyinkii ururka. Waxaana ururka ka leexday, oo qabiilooyinkii ay ka dhasheen la saftay xubno dhawr ahaa, oo ka soo jeeday dhulka kilila shanaad ee itoobiya, gaara ahaan waxay ahaayeen reerka ogaadeenka. Ka bixitaankooda waxay ku sababeeyeen in ururku galay qabyaalad cad, islamarkaana u xuubsiibtay reerka Hawiye oo taageeray jabhadii USC ee Gen. Caydiid hogaaminayey. Waxa iyana iska cadayd in waxqabadkii ururka Al-islaax lagu soo koobay muqdisho, taaso dhalisay dareeka ah, in hawiye iska haysto Al-islaax. Waxa kale  oo ay dayaceen gobolada dalka intoodi kale.

Muddo ka dib waxa ku soo biiray xubno wada socda o ahaa ururkii Aal-sheekh iyo kooxo ka soo go’ay waxdadii gobollada waqooyi. Waxa ururkii ku batay xubno cusub oo aan waxba kala socon fikirka iyo mabaadiida ururka. Waxa kale oo shiiqay xubnihii waayo-araga ahaa. Hogaamiyii ururka Dr. Max’ed cali ibraahin ayaa sannakii 1992 xarun ka dhigtay jabuuti. Wakhtigan ururka waxa ku dhacay kala daadasho. Muddo ka dib waxa talo ku soo jeediyey ururkii ikhwaanu muslimiinta in dib loo habeeyo ururkii islaax, oo lagu soo dabaalo dhabihii hore loogu jeexay. Taasina waxay keentay in wax laga bedelo hogaankii ururka. Waxaana hogaamiye loo doortay Dr. Cali Sh. Ahmed. Ka dib wuxuu bilaabay in la meelmariyo isbedello kala duwan, arrintaasina waxay keentay mucaarad xoogani ka horyimaado Dr. Cali. Xubnaha mucaaraday Dr. Cali waxay u badnaayeen xubnihii markii dambe ku soo biiray ururka.

 

Kala jabkii ururka Al-islaax

Kooxo loogu yeedho Damu Jadiid ( dhiiga cusub) oo ahayd koox ka tirsan ururka ayaa dhaliishay qaabka ururku u shaqaynayo, soona jeediyey in wax laga beddelo nidaamka ururku imika hawlaha u wado. Kooxdan dhiiga cusub waxay ku tilmaameen in ururkoodu yahay mid xidh-xidhan, oo aanu la jaanqaadi karin dunidan casriga ah, loona baahan yahay in la casri gareeyo ururka si uu ula-jaanqaado qarniga 21-aad. Kooxdan dhiiga cusubi waxay noqotay urur kale oo iskii u taagan. Waxayna xarumo ka samaysteen meelo kala duwan oo dalka ah. Waxay ka faa’idaysteen kala fikir duwanaanta ku timid ururkii ikhwaanu muslimiinta masar, oo laba u kala qaybsamay. Taasina waxay siisay fursad.

Kala jabkii ikhwaanu muslimiinta masar

Laba kooxood ayuu u kala jabay ururkii ikhwaanu muslimiinka masar. Waxay kala ahaayeen:

  1. Jiilkii hore
  2. Jiilkii dambe
  • Jiilkii hore : waa qaar si xoog ah u aaminsan kuna nool kutubtii ay qoreen Sh. Xasan Al-Banna iyo Sayid Qudbi. Waxa lagu sheegaa inay ka baqdin qabaan isbelleda cusubi inay la jaanqaadi kari waayaan. Waxa kale oo lagu sheegaa inay aamusiyeen da’yarta, iyagoo ka cabsi qaba inay talada kala wareegaan, waxayna ku doodaan in wax lagu wado waayo-aragnimo iyo odeynimo, oo aan marnaba dhalinyar wax loo dhiibaan
  • Jiilkii dambe: waa qaar si xoog leh u aaminsan inaan la iska dabafadhiisan afkaarka Sheekh kaliya. Waan in wax kasta la akhriyo, oo wixii faa’ido leh laga qaato. Waa in caalamka imika lala jaanqaado, oo la adeegado waayo cusub, cilmi-baadhis iyo fikiro cusub oo la curiyo. Waana is la iska iloobo in loo fikiro si cusub, oo aan loo fikirin qaab gaboobay. Waxay si weyn u aaminsan yihiin in waayaha loo waajaho si geesinimo leh, oo aan laga hadhin adduunka casriga ah. Afkaartaa iska soo horjeeda ee kala qaybisay ikhwaanu muslimiinta masar ayaa saamayn xoogan ku yeeshay islaax soomaaliya, waxaanay keentay inay kala raacaan qaybsankaa ku yimid ikhwaanu muslimiinta masar.

 

Islaax ma urur-diimeed baa mise waa urur-siyaasadeed?

Al-islaax waa urur siyaasadeed doonaya in uu qabto hogaanka soomaaliy. Hanashada awooda hogaanka soomaaliya si uu ku gaadho waa inuu diyaarsado dad aad u badan oo u babac dhigi karo masuuliyaddaasi. Sidaasi waxa yidhi aqoonyahan Max’ed cumar oo si weyn ugu dhuundaloola arrimaha islaax. Balse dadka badankiisu way aaminsan argtidaasi, waxaana daliil u ah madaxada dhawr dal oo caalamka ka mid ah, inay m/weyne ka noqdeen. Waxaana tusaale u soo qaadan karnaa: Max’ed Mursi m/weynaha masar iyo m/weynaha soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud. Waxa kale oo ay xubno fara badan ku yeesheen baarlamaankii dalalka carabta, kacdoonkii ka dib. Dalalka, masar, yemen, libiya, tunisiya, marooko iyo sacuudiga. Waxay si xoog leh uga muuqdaan dalalkaasi, oo ay saamayn badan ku leeyihiin.

Cali cabdi Coomay

calicoomay@hotmail.com

 

 

Xigasho: Koboca islaamiyiinta Soomaaliya……… C/shakuur Mire