Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 4aad

 Ibraahim GadhleMaansooy duciyo kheyr,

 Ninka kugu dareershiyo,

 Dabka ruuxa kugu shiday,

 Ninba doorku kula rabay,

 Dareenkiisa kugu mari,

 Boodhari dabuubtuu,

 Ku dardaarmay uu yidhi,

 Waa dhaxal dadweynaha,

 Diiwaanka ugu yaal,

 Waana lagaga daydaa,

 Anna kuma dayacayee,

 Dunidaan ku barayaa,

 Waxan dooday kugu shubi,

 Dhegihii dalooloo,

 Waxa lagugu daabici,

 Dugsiyada tacliintoo,

 Goobaha dalxiiskaa,

 Lagaa daawan doonaa,

 Maansooy dulqaad badan,

 Maanta kii ku deyrshaa,

 Berritoba ku doon-doon,”

Bal immikana aan dhuuxno aragtidii Ibraahin ee Midnimadii 1960kii lagu sameeyay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed markii la isku daray labadii Gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysan jireen. 31 sannadood ka dib isaga oo ku jira halgan hubeysan oo dibuxoreyn qaran ah, ayuu dhacdadaa 1960kii aragtidiisa ku wajahan ka jeedinayaa Shirweynihii 6aad ee SNM, waxaanu yidhi:

  Taariikh da’ weynoo,

  Degmadeenu leedahay,

  Aan idiin dul-xaadshee,

  Lixdankii dadkaygow,

  Markaad Dawladnimadii,

  Diiqada u bixiseen,

  Deg-degsiinyo mooyee,

  Doqonniimo ma ahayn,

  Manaydaan dambaabine,

  Shanta kala dab-raacdaa,

  Dermo qudha ah u gogosheen,

  Isku-duubnideenniyo,

  Daacad baw horseeddeen,

  Geeluba hadduu dido,

  Duq baa loo hoggaanshaa,

  Sida loogu dayduu,

  Geesina u diriraa,

  Anna laba-deryaalii,

  Waxaan Daacad uga baxay,

  Dhulku yaanu Daaliyo,

  Dooloow u kala go’in,

  Siday labada daamood,

  Dab u wada kulaalaan,

  Dibi keliday lay qalay,

  Qoys qudh ah dibbiradii,

  Waxa aan ka door-biday,

  Duubiga shan lagu cuno,

  Webigay dig siiyiyo,

  Badda aan ku dalow idhi,

  Waxa daacad igu daray,

  Marka aad degtaan meel,

  Dixi iyo caleen badan,

  Kuwa kaa danbeeyiyo,

  Intaad diir wadaagtaan,

  Berri doogga ugu yeedh,

  Ama uga digniin noqo,

  Dalluun loogu talo-galay,

 Shaxda kama il-duufine,

 Sidaan damacsanaa iyo,

 Sida Dooddi yeelaa,

 Kala durugsanaatoo,

 Deyrtii hillaacdiyo,

 Deydo curashadeedii,

 Dooggii ku soo baxay,

 Diir iyo wax baa cunay,

 Xeedhadaan daboolee,

 Aan malabka doocaan,

 Ugu shubay dadweynaha,

 Doqon baa harraatiyay,

 Isagana dariiqii,

 Abees daallinaa yimid,

 Aar baa docdii galay,

 Daryaankiisii laga yaac,

 Kuwaan soo duwaay idhi,

 Dubur Hawd ka kala gale,

 Ninka Duuda yaal baa,

 Ugu dhow dadkeennii,

 Wuxu deyrka ugu dhigay,

 Siduu dararta Maandeeq,

 U durduurto kelidii,

 Duul urursanaadiyo,

 Midnimaanu doonayn,

 Haddaan duubi wada jira,

 Dedaalkaygii lagu helin,

 Dar Allee abaalkii,

 Waxa dumay ku suuree,”

Bal hadda immikana aan daalacanno Ibraahin oo dadka ku disaya dhagartii laga galay, isaga oo si farshaxannimo iyo hal-abuurba leh u tidcaya maansada. Waxa la yaab leh muuqaallada, hummaagyada iyo sawirrada uu sida maadda iyo dhiilladaba leh u taxayo. Intii uu maansadaa Shirweynaha ka tirinayay yaab, naxdin, iyo qosolba waa la isku daray. Allahu Akbar ayaa lagu badhxayay oo dhex taal looga dhigay tuducyadii uu tirinayay. Marka aad maqal iyo muuqaalba ku daawato ayay jidhiidhico kugu jajabaysaa. Bal Ibraahin oo si kale isu kiin bara aan uuga baxo, waxaanu yidhi:

Qalinkii: Boobe Yuusuf Ducaale

(La soco……………………………..)