Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 3aad

Ibraahim GadhleIbrahin-gadhle iyo Fanka

Ibraahim Sheekh Saleebaan wuxu dunida fanka ku soo galay oo uu ka bilaabay falkinta suugaanta gabay uu tiriyay waqti ku sinnaa 1965kii isaga oo degganaa magaalada Jabbuuti. Sida uu tixdaa u falkiyay ayaad ka garanaysaa hal-abuurnimada iyo awoodda curineed ee la yaabka leh ee Ibraahin-gadhle. Bal aynu wax aan badnayn ka soo qaadanno :

 

Rag baa hiil leh Eebbaa hodan ah, hibo Rasuul baa leh,

Cir baa hogol leh heegaa biyo leh, halalac roob baa leh,

Abaar halas ah jiilaal habsaday, hawlna socod baa leh,

 

Waxa kale oo aynu maansooyinkiisii bilowga ahaa ka soo qaadan karnaa mid uu curiyay 25kii Ogos 1966kii oo Madaxweynihii xilligaas ee dalka Faransiisku Jabbuuti booqasho ku yimid. Waa ninkii Jananka ahaan jiray ee la odhan jirey Jaarles Diigool. Waa maanso jacbur ah oo murti badan iyo waddaniyadba xambaarsan, waxaanu yidhi :

 

Waa cadow gumeystuhu hadday, qolo dul fuulaane,

Faransiis intuu joogayee, xoogga nagu haystay,

Dagaalladi na soo marayba way, faro badnaayeene,

Midkii ugu darraa bal aan, shiinka ka higgaadsho,

 

Maalintii Digool yimid kolkii, dawga lagu yaacay,

Cadho nagu dhabowdiyo kolkii, taahi lala yaacay,

Faarax-haad[1] hortiisaa ninkii, joogsadaan ahaye,

In kastoon harraadoo naftuna, barafka doonaysay,

Shaaha iyo kookaha ninkii, diiday baan ahaye,

Gaajo ima durqaynine anaa, nacay bariiskiiye,

Cirka waxanu eegnaba dabeed, yimi madaarkiiye,

Illeyn waa sugeynee haddii, gaadhi lagu keenay,

Markuu ila gudboon yahay ninkii, Noo ! yidhaan ahaye,

Maradii qarsoonayd ninkii, soo baxshaan ahaye,

Xornimada ninkii doortayee, dhiidhiyaan ahaye,

 

Afartaa intaan cuud u shiday, mawgu riday fooxa,

Dhool dahab ah maw geliyayoo,  mawgu daray xaydhna,

Afar kalena waan soo wadaa, baaldiyada qaata,

 

19kii Bishii Marj, 1967kii oo dalka Jabbuuti oo markaa Faransiisku gumeysanayaay laga qabtay Afti la odhan jirey ‘OUI’ iyo ‘NO’ oo u kala taagnaa HAA iyo MAYA oo ahayd

gumeysi ama xorriyad, Ibraahin-gadhle maanso Guubaabo la yidhaa oo uu ka tiriyay waxaynu ka soo qaadan karnaa :

 

Gobannimada qaadaan lahaa,

Gaabis yaad noqonne,

 

Gumeysiga i ciilaan lahaa,

Garabka naafeeye,

Gaalada [2] kaxee baan lahaa,

Galab ha dhoofaane,

Geyiga oo dhan baaban is-lahaa,

Yaan la soo geline,

Gol-ka-nuugyadaasaan lahaa,                      Gol-ka-nuug: Dabo-dhilif, basaas,

Jeelka wada geeye,

 

Nabsigii gaboobaan lahaa,

Gooshkanaad heliye,

 

Godobtayda maqan baan lahaa,           Godob: dakano,

Guluf ku raacdeeye,                                    Guluf: dagaal, halgan,

 

Geelayga dhalay baan lahaa,

Gaawahaw culo e’,                                Gaawe: Hadhuub, gorof, dhiilka geela lagu liso,

 

Galooftiyo irmaankaan lahaa,       Galoof: Gaane, geela gudhan,

Goosan yuu lumine,                       Goosan: qayb, xayn,                        

 

Ibraahin-gadhle wuxu noolaa nolol hodan ah oo uu kaga soo qayb-qaatay halgankii Jabbuuti iyo kii dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Af iyo addinba wuu ku dagaallamay, waxaanu ahaa qof aragti cad oo muuqata ka lahaa labadaa halganba. Ma ay ahayn aragti qarsoon oo isaga ku kooban, bal se waxay ahayd mid ku dheehnayd suugaantiisii iyo curintiisaba oo si fudud looga daalacan karo. Intiinna taqaannay mooyaane, waxaan jeclahay in aan intiinna kale idin baro Ibraahin Sheekh Saleebaan aniga oo idiin kala dab qaadaya. Run ahaantii Ibraahin ayaa is-kiin baraya, bal se doorka aan is-barashadan ku leeyahay ayaa noqonaysa in aan idiin soo qabto hadba tuduc ka mid ah maansooyinkiisa si aad u garataan aragtidii uu nolosha iyo halgammadii is-daba joogayba ka lahaa.

Sow kii Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) maansadiisa Hal-abuur ku lahaa:

Marna waa hummaaggii,

Qofka kula hadlaayoo,

Intuu soo hankaabsaday,

Iska rogay hillaabtoo,

Kugu yidhi hankaygiyo,

Habka maansadaydiyo,

Hiyigaygu waa kaa,

(Halkaraan, Bogga 140aad)

 

Waxaan adeegsanayaa Maanso uu ugu wan-qalay Dir-sooc oo uu ka tiriyay Shirweynihii 6aad ee SNM, 2dii bishii Abriil 1990kii, kaas oo ku qabsoomay meel woqooyi kaga beegnayd Balli-gubadle.

Aynu ku horreeyno aragtidii uu Ibraahin ka lahaa Maansada ama sidii uu arkayay curinta, waxaanu yidhi:

 

Maansooy nin kugu duul,

Ninna maalin kugu dood,

Ninna derejo kaa dhigay,

Ninna dhuuni kugu doon,

Ninna nabarka kugu damaq,

Ninna dakharka kugu dhayay,

Ninna doogta kugu kici,

Ninna waranka kugu demi,

Ninna nabadda kugu didi,

Ninna belada kugu deyr,

Ninna dookha caashaqa,

Kaa dhigay def loo tumo,

Oo ka doorkan joogiyo,

Dura gabayadii jiray,

Intuu heesta kugu daro,

Jaceyl kugu dalaandali,

Marna darayamuus iyo,

Dhaclihii dunta ahaa,

Aduu kuu direys yahay,

Dumar kugu buraanbure,

 

(la soco…………………………)

 


[1] Faarax-haad waa dhakhtar yar oo bukaan-socodka lagu daweeyo oo ka soo hor jeeda garoonkii hore ee kubbadda cagta ee Jabbuuti kuna yaal jidka garoonka dayuuradda ka yimaadda, oo loogu magac-daray halyey magaciisa la odhan jirey Faarax Haad oo ku caanbaxay halgankii gumeysigii Faransiiska lagula jirey ee xornimo doonka.

[2] Gaalada- Halkan wuxu abwaanku uga jeedaa waa Taliskii xukumayey dalka ee Gumeysiga wakiilka uga ahaa.