Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 2aad

Ibraahim GadhleCod aad u hooseeyay oo murugo iyo tiiraanyaba lahaa ayuu iigu sheegay in Ibraahin- gadhle Jabbuuti ku dhintay oo lagu aasay. Miyaanan maqlayn mise dhegta ayaa is-diidsiinaysay. Mooyi. Mar, laba iyo saddex jeerba waan ku celiyay. Halkiisii iyo warkiisii ayuu ku adkaystay. Anna xaqiiqsaday in saaxiibkay Tukaale socday. Tukaale, wuxu ahaa magac uu Riwaayad ku jilayay oo hal-hays iyo halkudhegba u noqday carruurtayda. In badan ayay iga codsadeen in aan Tukaale baro. Ma aan helin fursad aan Tukaale iyo qoyskayga isku baro, marka laga reebo Mujaahid Ayaanle oo carruurtayda ugu yar oo aan maalin uu dhoofayay garoonka dayuuradda isku baray. Gurraase ayaan mar kale su’aal dib ugu noqday oo aan weydiiyay halka uu ka soo hadlayo. Ku-ye: “Haatuf ayaan joogaa”. Gurraase, wuxu I weydiiyay wax kooban oo ku saabsan taariikh-nololeedkii Ibraahin-gadhle, Ilaahay ha u naxariisto e’. Anna waxaan ugu jawaabay in ay taasi baadhis iiga baahan tahay, Ibraahinna aanu ahayn nin aan si fudud u geli karo qoridda taariikhdiisa. Wax aan badnayn sidaana u buurnayn ayaan markii u sheegay Gurraase, aniga oo aan hagranayn. Waxaan se dareemay in aanu Gurraase ku qancin.

Sidaa ayuu warkan naxdinta lihi igu soo gaadhay. In yar markaan fadhiyay ayaan haddana saaxiibkay Xaashi Xuseen Caabbi la hadlay, waxaanu ii sheegay in uu Ibraahin-gadhle go’ay 29/1/2006kii, mar ay saacaddu ku beegnayd 4.30kii subaxnimo, isla maalintiina waxa lagu aasay Jabbuuti. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha innaga siiyo.

Intaa ka dib ayaan xusuus ugu noqday Ibraahin Sheekh Saleebaan. Waxa markiiba igu soo dhacday goortii araggiisa iigu danbeysay. Waxay ahayd maalmihii ololaha doorashadii Golaha Wakiilladu socotay. Waxay ahayd bishii Sebtember horraanteedii, 2005tii. Goor barqo ah ayaan hor maray xafiiska Daallo ee Hargeysa. Askarigii baabuurta kala horayey ayaa na joojiyay. Dhinaca midig ayaan eegay mise waxa taagan Ibraahin-gadhle oo xidhan isku-joog kaaki ah. Gabadh aan is-idhi isaga ayaa dhalay ayaa xagga bidix ka taagnayd. Markaan isha ku dhuftay, ayaan aniga oo baabuurkii ku jira u dhawaaday oo aan ku idhi: “Cajuus”. Kaftan-wadaag aan kala xanaaqin ayaanu ahayn. Hadal ayuu is-yidhi. Hag-hago aanan ku aqoon jirin ayaan ka dareemay. Waxa kale oo aan dareemay in uu ka itaal-daran yahay intii aan ku aqaannay. Naxdin! Gaadhigii intaan dhigay ayaan ka soo degay. Waxa ii xigtay Ibraahin-gadhle oo dhaqaaq holladay bal se aad mooddo in uu lug iyo gacan wax ka qabo in kasta oo uu keligii tallaabsanayay. Gabadhii ayaa ku soo dhawaatay oo gacanta qabatay. Xaqiiqsaday in Ibraahin buko aniga oo aan garan sida loo helay. Naxdintii ayaan ku booday oo isku duubay. Labadii gacmood intaan dhabarka ka mariyay ayaanu madax iyo luqunba is-dhaafsanay. Sii daayay si uu Ibraahin iigu warramo. Wuxu ii sheegay in dhiig-kar awgii dhinac la bakhtiiyay oo uu dhowr bilood yaallay cisbitaal Dubay ku yaal, bal se immika uu ka soo doogay oo iska ladan yahay. Gabadhii oo garab taagan ayuu is-kaaya baray. Waxa igu soo dhacday miyaanu wiilal lahayn, haddana waxaan isku qanciyay in ay mar walba habluhu wiilasha qaneecaad dhaamaan. Naxariisna iyaga ayaaba lagu og yahay. Wiilasha qudhooda ma nebci e’, waa se sida loo badan yahay. In aan sii qaado ayaan damcay, waxay se ii sheegeen in ay baabuur wateen. Aniga oo ogaa in uu gurigoodii xaafadda Guryo-samo (Qudhac-dheer) ku soo dego, waxaan u sheegay in aan u iman doono.

Mar kale ayaa markaa iiga dambaysey. Markan, Burco ayaanu ku kulannay. Maalmihii ugu dambeeyay ololihii doorashada ayaan goor fiid ah soo galay Hudheelka Gabay-xaddi ee Burco. Markiiba qof hudheelka joogay ayaa ii sheegay in uu Ibraahin-gadhle sakaaraad yahay oo qol hudheelka ka mid ah jiifo.  Dhankaa iyo dhankaa aniga oo aan deyin ayaan markiiba qolkii la iigu tilmaamay ku cararay. Wuu jiifaa, waxaana dul tuban dad aan badnayn oo uu ku jiray nin dhakhtar ahi. Dakhtarku wuxu doonayay in uu dhiiggiisa cabbiro, bal se agabkii ayaanu haysan. Isla markiiba tu’ aan sitay ayaan la soo cararay oo lagu qiyaasay. Caadi ayuu iska ahaa, bal se dhakhtarkii wuxu ku taliyey in cisbitaalka Burco la seexiyo si looga war hayo, sidii ayaana lagu qaaday. Habeenkaa ayaa araggiisa iigu dambaysay. Markii aan Hargeysa ku soo noqday ayaan gurigii uu degganaa habeen ka doonay, waxaana la igu war geliyay in uu Jabbuuti ku noqday. Waxa ii qorshaysnayd in aan maalmahaa wax kaga duubo halkii uu degganaa, Ilaahay baan se qaddarin. Waxaan se kaga calool-fayoobaa aniga oo ogsoonaa in Ibraahin suugaantiisii qoraal ku diyaariyay oo ay xaal-xaal yar mooyaane daabacaad sugaysay.

Waa muuqaalkii iigu dambeeyay ee aan u lahaa Ibraahin-gadhle, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.  Maqal aan maqlo xadayn kari maayo xilligii iigu horraysay. Aragga se waan muddayn karaa oo markii iigu horraysay waxaanu ku kulannay magaalada Muqdisho. Waa maalmihii ay socotay Deelleydu oo uu Jabbuuti ka yimid, safar gaabanna Muqdisho ku yimid. Deelleyduba waxay socotay Diisambar, 1979kii ilaa Abriil 1980kii. Ibraahin laba tixood oo dhamacda ka kulul ayuu ku lahaa Deelleyda.

Waxa ii xigtay mar aan 1982kii Jabbuuti ku sugnaa oo aan u qalab-qaadanayay sidii aan uga qayb qaadan lahaa halgankii hubaysnaa ee ay SNM horseedka ka ahayd. Xilliyadaa Ibraahin-gadhle dukaan cajaladaha lagu kala duubo oo Boodhari la odhan jiray ayuu ku lahaa Xaafadda Afraad (Q4) meel galbeedka kaga beegnayd. Waxaan xusuustaa in aan ka sii iibsaday 11 cajaladood oo Deelleeydii ahaa oo aan dhammaantood ku garaacay mar aan deggenaa magaalada Cadan, gaar ahaan Hudheelka Xaafadda Tawaahi ku yaal ee la yidhaahdo Bisha ama “Crescent Hotel”. Berigaa waxa kale oo aan Jabbuuti ka sii duubtay nin aanu saaxiib ahayn oo la yidhaahdo Xasan-wadaad ilaa kontameeyo cajaladood oo kale oo heeso ahaa. Sahaydii ugu buurnayd ee aan halganka u sii qaatay ayay ahayd. Maanta keydkayga cajaladaha, laba cajaladood oo keliya ayaa kaga sii hadhsan cajaladahaa. Midi waa cajaladdii koowaad ee Deelleeyda, cajaladda kalena waxa ku jira heesihii 26kii Juun ee 60kii. Mar labaad ayaan Jabbuuti ka soo duubtay cajaladihii Deelleyda intoodii badnayd.

Ibraahin Gadhle wuxu ahaa nin furfuran oo aad u kaftan badan. Wuxu ahaa nin bulshaawiya oo hasaawiye ah hadba madasha uu fadhiyo la soo buuxiyo. Ibraahin-gadhle ma aqoonin kaftanka turxaanta leh. Dadka ma xaman jirin ee hadba wixii uu dareemayo qofka hortiisa ayuu ka odhan jiray. Nin sikhiya oo gacan furan ayuu ahaa. Abaabulka iyo ururinta dadka aad ayuu ugu fiicnaa isaga oo weliba hantidiisa ku bixin jiray. Ibraahin-gadhle ma uu ahayn dadka fanka ku shaqaysta ee ku nool bal, waxa aynu odhan karnaa fanka ayaa isaga ku noolaa. Ibraahin-gadhle intii uu noolaa si karti iyo hufnaanba leh ayuu u shaqaysan jiray, mana ahayn dadka gacanta hoorsada ama shaxaadku dishooday. Qof karaamo leh oo isaga oo luqunta taagaya oo sharaf leh magaalooyinka tallaabsada ayuu ahaa.

Si caadiya ayuu shaadh iyo surwaal inta badan ugu lebbisan jiray, in kasta oo uu aad u jeclaa isku-joogyada ama ‘safaarigaba’. Malahayga yaraantiisii ayuu gadhkan uu ku caano-maalay ee lagu naanaysay lahaan jiray, bal se intii danbe ee uu weynaaday gadhka lama bixi jirin.

 LA SOCO………………………

(La soco………………..)