Taalibaan Oo Weeraray Magaalada Kunduz

Kunduz(SLpost)-Saraakiil Afghanistan ah, ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahanada Taaliban ay dhowr jiho ka weerareen magaalada muhiimka ee waqoyiga ee Kunduz.

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in dagaal xooggan uu sababay in ay xidhmaan waddooyinka waaweyna, qasabna ku noqotay dadka deegaanku inay kaga baxaan magaalada jidadka yar yar.

Taaliban, ayaa kaga baxay magaalada labada jid ee waa weyn ee laga soo galo, markii ay gubeen dhismooyin, oo muddo kooban ay haysteen isbitaalka.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu waaweynaa oo ay ku qaadaan dagaalyahanadu xarun gobol. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in labada dhinac ay ka dhinteen tiro dad ah.

Gobolka Kunduz, ayaa lagu qaaday weeraro xooggan ilaa April, waxayna ciidamada Taliban la midoobeen falaagooyinka kale.