Taageerid Nabad-gelyada ay wada qaateen Xukuumadda iyo Reer Buuhoodle

“Anigoo ah Eng Cabdinasir Garaad Abshir Garaad Saalax Waxaan soo dhaweyneynaa Nabdgelyada ay qaateen madaxda SSC Saleeban Xaglotoosiya iyo Go’aankii geesinimada lahaa uu qaatay. Arrimaha nabada guud Ahaan gobolka Cayn.  Waxaan aad uga shaqeynay sidii nabad loogu soo bedeli lahaa colaadaas halkaas ka taagneyd.

Waxaan ka mid ahaa dadkii Sababta u’ahaa in” widhwidh” oo gobolka Cayn ka tirsan nabad iyo gogoshii la fidiyay ee aan widhwidh ka bilawnay sidii loo gaadhsiin lahaa Buuhoodle.In mudo ah dadaal socday ayaa keenay Midho dhalkan nabadeed ee Gobolka Cayn idil ahaantii Noqdo meel nabad lagu wada daaqo.

Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa,Saleeban “Xaglotoosiya” oo hawshan intii Ka dhineyd Dhamaystiray.

Somaalidu waxay ku maahmahdaa ‘Nabadi adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola.

Mar labaad Anigoo ku hadlaaya Afkii Aqoon yahanka ka soo jeeda Gobolka Cayn, waxaanu soo dhaweynaynaa Nabad ku wada noolaashaha Dhamaan Beelaha dega Somaliland.”