Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo Isu-soo-baxyo ka Dhigay Gobollada Qaarkood

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta heer gobol iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta isu-soo-baxyo ay isugu soo biyo-shubteen Xarumaha Xisbiga isugu soo baxay qaar ka mid ah gobollada Dalka.

Taageerayaasha Xisbiga ayaa isku soo bax ka dhigay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyagoo isugu yimi xarunta uu xisbiga Waddani uu ku leeyahay gobolkaasi.

Isku soo baxan waxa horkacayey Wasiirkii hore ee Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobolka Sool iyo Duqii hore ee dagmada Laascaanood Saleebaan iyo taageerayaasha xisbiga Waddani.

Waxaanay dhamaan shacabkii iyo Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ay taageereen hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro shalay ugu jeediyey inay maanta isu-soo-bax sameeyaan, iyagoo sidoo kale xaq-daro ku tilmaamay xadhiga Masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Waddani ee xukuumadu xidhay.

Sidoo kale, waxa isla maanta isku soo baxyadan oo kale ay Taageerayaasha xisbiga Waddani isugu soo baxeen Xarumaha Xisbiga ee Gobollada Togdheer, Sanaag iyo Awdal, kuwaas oo dhamaantoodba ayiday baaqii Gudoomiyaha xisbigooda, waxaanu isku soo baxyadan ay ku cabireen dareenkooda ugu soo dhamaaday si nabadgalyo ah ilaa iyo haddana lama soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacday, iyadoo sidoo kale aanay Ciidamada Ammaanku wax culays ah saarin taageerayaasha.

Somalilandpost.net