Taageerayaasha WADDANI oo wareegga Afaraad ee Ololaha ku soo khatimay Cudud taageero oo Ugub ah

Isu-Soo Baxa Waddani ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Taageerayaasha Urur siyaasadeedka Waddani ee Magaaladda Hargeysa, ayaa maanta Fagaaraha beerta xoriyadda ku soo bandhigay cudud iyo taageero oo aan la qarin Karin, taasi oo ay ku muujinayeen inay awood u leeyihiin inay codkooda xisbi qaran kaga dhigaan Waddani.

Taageerayaasha Waddani ee isugu baxay Fagaaraha beerta xoriyadda Caasimadda Hargeysa oo intooda badan ku lebisnaa Calanka muuqa dheere ee Waddani isla-markaana lulayey, sitayna Sawiradda Musharixiinta 25-ka ah ee Hargeysa uga tartamaya Waddani, ayaa ka hor intii aanay buux dhaafin fagaaraha waxay gaadiid tiro badan ku dhex mareen jidadka Caasimadda, taasi oo keentay in isku socodka gaadiidku yaraado, marka la eego tiradooda oo badnayd.

Isu-Soo Baxa Waddani ee Hargeysa

Musharixiintu waxay ka codsadeen Taageerayaasha iyo shacabka Magaaladda Hargeysa inay codkooda siiyaan isla-markaana soo saaraan Waddani si bay yidhaahdeen wax wanaagsan looga qabto Caasimadda, loona daboolo baahiyaha jira, iyadda oo taageerayaashu marka Musharixiintu waydiiyeen inay Waddani codkooda siinayaan ay ku qaylinayeen “Haa..” iyo weedho kale oo ay ku taageerayaan.

Taageerayaasha Musharaxiinta Waddani ee Magaaladda Hargeysa oo intii uu socday isku soo baxo hawada ku siidaayay shimbaro sooc ah oo qaarkood lagu xardhay midabka calanka Waddani, ayaa waxa kale oo khudbado u jeediyay Masuuliyiinta Waddani, kuwaasi oo kula dardaarmay inay codkooda ku hubsadaan Waddani.

Maxamed Axmed Filan-waa oo ka mid ah siyaasiyiintii UDUB ee dhawaan ku biiray Waddani, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa amaanay Guddoomiye Cirro oo uu ku tilmaamay siyaasiga kaliya ee maanta Somaliland jooga “Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waa siyaasiga kaliya ee maanta Somaliland jooga, waa siyaasiga kaliya ee aan saxaafadda lagu arag isaga oo qof u jawaabaya”ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray inuu yahay siyaasiga kaliya ee wakhtigan Somaliland u baahan yahay isla-markaana ka saari kara mushaakilaadka siyaasadeed ee haysta.

Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah Saraakiisha Waddani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Wallaalayaal waxa loo baahan yahay meel kasta oo aynu joogno inaynu ilaalino dhaqanka suuban ee diinta Islaamka, Waddani waxa uu u taagan yahay muraayada Somaliland, waxaana loo baahan yahay inaynu wax kasta oo wanaagsan tusaale u noqono, oo aynu ilaalino dhaqanka iyo diinta suuban ee Islaamka, ILAAHAYNA doorashada nabadgalyo ha inoogu riddo, tartankana waa in ninkii ku guulaysta uu ILAAHAY ku xamdiyo, ka laga guulaystaana u hambalyeeyo”

Xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, sidoo kalena ah Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Ururka Waddani waxa uu soo xulay musharaxiin xul ah oo aad u qiimo badan, waxaanu jecelnahay in maalinta doorashadda aad u soo baxdaan sida aad maanta u soo baxdeen,  waana inaad ilaalisaan nabad-galyada, doorashadani waa tii mustaqbalka Somaliland ku xidhnayd, beesha caalamkuna indhaha ayey inagu eegaysaa, markaa waxa loo baahan yahay in shacabka Somaliland sidii doorashooyinkii hore ay muujiyaan xilkasnimadooda iyo wadaninimada ay u hayaan dalka”

Maxamed Cabdilaahu Uur-cadde, waxa kale oo uu soo qaaday “Rag-baa maalin kasta ku hanjaba nabadgalyo daro, waa been oo nabadgalyadda Somaliland cidna kuma xidhna, nin kursi doonayaana nabadgalyo daro kuma ridi karo Somaliland”ayuu yidhi Maayar ku xigeenka Caasimaddu.

Fagaaraha beerta xoriyadda Hargeysa, sidoo kale waxa taageerayaasha Musharixiinta Waddani kala hadlay xildhibaan Naasir Cali Shire, waxaanu yidhi “bahwaynta Waddani waxay ku codaynayaan nabadgalyo, umadda reer Somaliland-na waxay u baahan yihiin in doorashadu ku dhacdo si Caddaalad ah.”

Burco:

Tageerayaasha urur siyasadeedka WADDANi ayaa maanta isu soo bixii ugu balaadhnaa tan iyo intii uu socday ololaha doorashadda deegaanku ku soo bandhigay Magaaladdada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Taageerayaasha Waddani ee Burco

Taageerayaasha Waxa kala qayb-galay isku soo baxan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti balaadhan oo la socday oo habeen hore u hoyday Burco. Soo dhawaynta Guddoomiyaha Waddani waxa madashaasi ka hadlay 21 Musharax ee Waddani uga sharaxan Burco, waxaanay musharixintaasi dhamaantod halkaasi ku soo bandhigeen waxyabaha ay qaban-donaan haddii ay ku soo baxaan doorashadda deegaanka.

Guddoomiyaha Waddani oo Taageerayaasha Waddani la hadlaya

Waxa iyaguna la hadlay taageerayasha ururka WADDANI masuuliyiin ay mid ahayeen Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi oo ah Xidhidhiyaha Qaaradda Yurub ee WADDANIl, Xildhibaan Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibanada golaha wakiilada Somaliland, Axmed Muuse Obsiye oo ah xildhibanada golaha guurtida Somaliland, Xuseen Ismaciil oo ka mid ah Xildhibanada golaha wakiilada, Siciid Maxamuud Cali Diiriye, Proff Cabdi-salaan Yaasiin, Axmed Cali Nuur oo ka mid ah gudida Fulinta ee ururka WADDANI, Eng Cismaan Aw Aaden faarax oo ah gudomiyaha ururka WADDANi Yurub, Eng Cabdiraxmaan Maxamed Magan.Axmed Xuseen Fagfagaash, Safiirkii hore ee Shiinaha Axmed Xasan Egal, Xildhibaan Xuseen Maxamed Egi oo ka mid ah mudanayasha golaha wakiiladda, waxaanay dhamaantood masuliyintaasi sheegeen inuu WADDANI uu wakhtigan yahay mid kaalinta hore ku hogaminaya dhamaanba asxaabta siyaasadda  Somaliland.

Ceerigaabo:

Sidoo kale, taageerayaasha urur siyaasadeedka Waddani ee Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa maanta fagaaraha beerta xoriyadda ee Ceerigaabo ku soo bandhigay cududa taageero ee ay u hayaan Waddani, taasi oo ay ku soo khatimeen ololaha doorashadda deegaanka.

Taageerayaasha oo ay isku soo baxooda kala qayb-galeen Masuuliyiinta Waddani, waxa ugu horeyn la hadlay mid mid ula hadlay galay 21 murashax ee ururka Waddani uga loolamaya golaha deegaanka degmada Ceerigaabo, waxaanu Musharax kastaa u soo bandhigay qorshihiisa horumarineed uu ka qabban doono Ceerigaabo.

Cali Maxamed Waran-cadde oo hore u ahaa Musharax Madaxwaynaha ee xisbiga UDUB, balse dhawaan Waddani ku biiray, ayaa taageerayaasha la hadlay, waxaanu yidhi, “Gobolka ugu qiimaha badan xaga doorshada ayaad tihiin, gobolkana waxa ku nool dad aad u tiro badan, xisbiga laga taageeraana waxa uu noqdaa hormuudka xisbiyada, maantana WADDANI baa taageerteen mar haddii aad WADDANI taageerteena waxa muuqata inaynu guushi qarqarkeedi taaganahay”

Boorama :

Magaaladda Borama ee xarunta Gobolka Awdal oo ka mid ah Magaalooyinka ugu taageeradda badan ee urur siyaasadeedka WADDANI, ayaa sidoo kale Taageerayaasha Waddani shalay ku soo bandhigeen cudduda taageero ee ay hayaan Waddani.

Taageerayaasha waxa khudbado u jeediyay Masuuliyiinta Waddani ee Gobolka Awdal, Musharixiinta iyo Gudoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed oo habeen hore si aad ah loogu soo dhaweeyay Magaaladda Borama isaga oo ay weheliyaan wefti uu ka mid ahaa Musharixii Madaxwayne ku xigeenka UDUB, balseWaddani-yoobay Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

Guddoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, oo isagu isku soo baxan ay dhigeen taageerayaasha Waddani ee Borama soo gunaanaday, ayaa wax ka tilmaamay siyaasada ururka Waddani ee mustaqbalka, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in Waddani degmada Borama u xulay musharixiin aqoon leh oo dabooli kara baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada reer Borama tabayso.

Axmed Muumin Seed, waxa uu shacabka iyo taageerayaasha Waddani ee Borama u soo jeediyay inay codkooda siiyaan Musharixiinta Waddani.

Oodweyne.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI ayaa kala qayb galay Taageerayaasha Ururka  ee magaalada Oodeyne ee Gobolka Daad-madheedh gunaadka wareega afaraad ee ololaha Doorashada Golaha Deegaanka.

Isku soo bax balaadhan oo lagu qabtay goobta khayriyada ee  badhtamaha Magaalada Oodweyne halkaas oo Guddoomiye Cirro khudbad dheer u jeediyay dadweynaha reer Odweyne, sidoo kale waxaa halkaas hadalo ka jeediyay madaxda Ururka ee Gobolka Daad-madheedh, Murashaxiinta u taagan tartanka Doorashada, madax dhaqameed iyo masuuliyiin ka tirsan Urur-Siyaasadeedka WADDANI, waxanay dhammaantood xuseen inay xooga saari doonaan sidii Ururku uga mid noqon lahaa saddexda xisbi qaran ee ku soo bixi doona doorashada la filaayo inay ka dhacdo 28 bishan aynu ku jirno.

Sidoo kale isku soo baxa gunaanadka wareega afraad ayaa lagu qabtay magaalooyinka Gabiley, Saylac, Caynabo, Ceel Afweyn, Gar-adag iyo Laascaanood.