Taageerayaasha KULMIYE ee Caasimadda Hargeysa oo Wacdaro La Yaable Kusoo Khatimay Maalinta Toddobaad ee Ololaha Xisbiga

Hargeysa (SLpost)- Taageerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE eek u dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa isu soo baxyo aan kala hadh lahayn ku gunaanaday maalinta Toddobaad ee ololaha xisbiga oo maanta ku beegan.
FB_IMG_1510228038598Taageerayaashan oo isaga yimi daafaha kala duwan ee degmooyinka caasimadda Hargeysa ka kooban tahay, ayaa iyaga oo sida daadka u socda socod kusoo maray shaaricyada magaalada, waxana ay markii dambe isugu soo biyo shubteen xarunta Khayriyada oo markii ay buux-dhaaftay ay taageerayaashu safaf dhaadheer ka galeen waddooyinka kala duwan ee xaruntaas ku hareeraysan.
Kumanaan kamid ah taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa oo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta KULMIYE, ayaa qaylo iyo saxan ay ku muujinayaan taageerada ay murrashaxiinta KULMIYE u hayaan kusoo galay xarunta beerta xorriyada, waxana isu soo baxooda kala qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, guddoomiyaha xibsiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubnaha guddida ololaha xisbiga u qaabilsan gobolka Maroodijeex, siyaasiyiin, salaadiin, iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah.
Xubno ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, guddoomiyaha ololaha gobolka Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, madaxtooayda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, siyaasi Xuseen Cali Ducaale Cawil, Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxana ay ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyeen xisbiga ay taageeradiisa muujiyeen.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad uu kusoo khatimay khudbadihii uu maddadii toddobaadka ahayd ee ololuhu socday kasoo waday gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa si ballaadhan ugu mahadceliyey taageerayaasha KULMIYE, waxana uu ku adkeeyey inay ammaanka iyo wada-jirka dhawraan xilliga codaynta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu soo afmeeray maalinta toddobaad ee ololaha xisbiga KULMIYE, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana uu shaaca ka qaaday in guddoomiye Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici yihiin laba halyey oo uu u gartay inay qaranka hoggaamin doonaan taladiisa kadib.

FB_IMG_1510228278311 FB_IMG_1510228245740 FB_IMG_1510228235457 FB_IMG_1510228214342 FB_IMG_1510228198082 FB_IMG_1510228180518 FB_IMG_1510228158723 FB_IMG_1510228131450 FB_IMG_1510228113669 FB_IMG_1510228102420 FB_IMG_1510228093488 FB_IMG_1510228089220 FB_IMG_1510228083183 FB_IMG_1510228076252 FB_IMG_1510228069211 FB_IMG_1510228063338 FB_IMG_1510228043522 FB_IMG_1510228038598