SYRIA:Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil oo weeraray Shixnad Gantaalaha Ruushku Farsameeyo oo Yaalay Saldhig Ciidamada Difaaca Cirka Suuriya Leeyihiin

Qaahira (SLpost)- Diyaaradaha Dagaalka ee Israa’iil, ayaa weerar ku fuliyey Shixnad Ka kooban Gantaalaha Riddada Dhexe ee Ruushku Farsameeyo oo sida wararku sheegeen u socday Ururj Xisbullah?
ee ka hawl-gala Koonfurta Dalka Lubnaan.

article-2483196-00A6ABC01000044C-642_634x361
Warkan oo laga helay Saraakiil Maraykan ah, shixnaddan Milatari ayay Diyaaradaha Israel duqeeyeen xilli dambe oo habeenimadii Arbacada ee todobaadkan iyaga oo yaalay saldhig ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Suuriya, kaas oo ku yaala magaalada dhinaca Xeebta ku taala ee y
Latakiya oo ay ah meelaha gacanta ugu jira ciidamada Dawladda.
Xogo laga helay ilo-wareedyo dhinaca Amniyaadka ah, ayaa xaqiijiyey inay gantaaladaasi ahaayeen nooca loo yaqaano SA-125 oo Ruushku Farsameeyo. Ma jiro war Xaqiijinaya dhacdadan oo ka soo baxay dawladda Suuriya, balse xubno ka tirsan kooxaha mucaaradka ku kacsan Dawladda Suuriya ayaa laga soo wariyey inay arkeen qarax weyn oo ka dhacay Saldhig ciidamada difaaca Cirka Suuriya ku leeyihiin magaalada Latakia oo ah meek ay deggen bulshada Calawiyiinta ah ee Madaxweyne Asad ka dhashay.

article-2483196-191F2EE600000578-407_634x516
Dawladda Yuhuuddu marna shaaca ugamay qaadin si rasmi ah inay farogelin milatari ugu samaynayso gudaha Suuriya, balse saraakiil ka tirsan Amniyaadka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, ayaa daboolka ka qaaday inay Israa’iil tiraba dhowr jeer ay weerarro dhanka cirka ah ka fulisay gudaha dalka Suuriya, ka markii Sirdoonka Yuhuuddu ka war helay gantaalo kuwa riddada dhexe ah oo Ururka Xisbullah loo soo marinayey dalka Suuriya. Bishii January ee Sannadkan,

article-2333265-1A104D00000005DC-365_634x452

Weerar cirka ah oo Israa’iil ka fulisay gudaha Suuriy, ayay ku bartilmaameedsatay Shixnad ah Gantaalaha Lidka Diyaaradaha oo sida la sheegay loo waday ururka Xisbullah, sida uu shaaciyey Sarkaal ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.
Sidoo kale Bishii May ee isla sannadkan waxa ay Israa’iil mar kale qaadday tallaabo la mid ah, iyada oo weerar cirka ah ku qaadday Shixnad gantaalaha Fateh-110 oo lagu farsameeyo dalka Iiraan, kuwaas oo yaalay Madaarka diyaaradaha ee magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya.
Somalilandpost.net
Qaahira