Swedan oo Celinaysa Qaxoonti Gaadhaya 160

Swedan(SLpost)-Wasiirka arrimaha gudaha ee Sweden, Anders Ygeman, ayaa shaaciyay qorshe dalkiisa looga saarayo ku dhawaad 80 kun oo ah qaxootiga ku guuldareystay codsigooda magangelyo doonnimada.

Sweden ayaa aqbashay tiro badan oo qaxooti ah marka loo barbar dhigo tirada dadka dalkaasi u dhashay ee ku nool.

Sanadkii lasoo dhaafay, waxaa dalkaasi gaaray in ka badan 160 kun oo qaxooti ah.

Sweden ayaa hadda shaaca ka qaaday in aanay albaabadeeda usii furnaan doonin qaxootiga.

Anders Ygeman ayaa sheegay in qaxooti tiradoodu u dhexeyso 60 ilaa 80 kun oo ka mid ah kuwii dalkaasi gaaray sanadkii lasoo dhaafay balse ku guuldareystay codsiyadooda magangelyo doonka ah dalkaasi laga saari doono.

Waxa uu intaa ku daray in diyaaraddo khaas ah loo kireyn doono dadkaasi isla markaana uu hannaankaasi qaadan doono sanado.

Tirada qaxootiga gaadhaya Sweden ayaa aad hoos ugu dhacday ka dib markii uu dalkaasi adkeeyay ammaanka xuduudihiisa bilowgii sanadkan.