Suxufi Shiine Cilmi Kaahin oo War-bixiyey Saamaynta uu Cudurka COVID-19 ku yeeshay Turkiga iyo Xaaladda Dad ku Xayiran Xuduudka Giriigga

 

Hargeysa (SLpost)- Iyada oo uu Dunida si xawli ah ugu sii faafayo Caabuqa Coronavirus , ayaa dowladda Turkigu waxay waddaa dedaallo xooggan oo lagaga hortegayo faafitaanka Cudurka uu caabuqani dhaliyo ee COVID-19 oo Dad ka badan illaa 1,500 Qof ku dhacay, halka 40 qof oo kalena ugu dhinteen dalkaas.

Cabdiqaadir Cilmi Kaahin (Shiine) oo ah Suxufi Madax-bannaan oo muddooyinkii u dambeeyey degganaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa Tifaftiraha Bulsho TV, Khadar Macalin Deeq uga warramay sida ay xaaladdu tahay iyo fulinta amarrada dowladda sida ay Dadku ku yihiin, maaddaama oo ay Soomaali badani dalkaas ku nooshahay, kuwaasoo isugu jira Dad deggan, kuwo waxbarasho u jooga iyo kuwo caafimaad u joogaba.

Waxa kale oo uu Weriye Shiine Cilmi Kaahin ka warramay halka ay ku dambaysay xaaladda Dad Malaayiin Qof ahaa oo Qaxoonti ah oo dowladda Turkigu Yurub ku fasaxday bishii hore, isla markaana in badan oo ka mid ahi ku xayirnaayeen Xadka ay wadaagaan Dalalka Turkiga iyo Giriigga, halkaas oo ay Ciidammada Xuduudaha ee Giriiggu ku hortaagnaayeen Dadkaas.