SUURIYA: Wiil da’ yar oo lagu hor toogtay ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ka dib markii uu diiday inuu Taageero madaxweyne Asad

Dimishiq, (SLpost)- Waxa cirka isku shareeray Cadaadiskii saarnaa dawladda Suuriya ka dib markii qudha laga jaray Arday 15 jir ah.

Dilka loo gaystay Maxamed Mulla Ciise waxa uu yimi kaliya markii uu diiday inuu ku biiro taageerayaal bannaanbax samaynayey ka dib markii ay sidaas ku amreen niman hubaysan oo dugsiga uu wax ka barto yimi.

Ka dib markii uu ka dhago-adaygay amarkooda, waxa wiilkii yaraa lagu hor toogtay ardaydii ay isku fasalka ahaayeen, dabadeedna waxa mar labaad xabbad lagu laabta lagaga dhuftay markii hoggaamiyihii kooxdan hubaysan isaga oo kor u dhawaaqaya yidhi, ‘Mar labaad toogo si aan u hubino inuu dhintay.’

Dhimashada wiilkan yar ayaa tirade carruurta dalkaas lagu dilay ka dhigaysa 282 tan iyo intii uu bilaabmay kacdoonka shacbi ee dalkaas ka dillaacay bilowga sannadkan.

Haseyeeshee, dilka wiilkan yar waxa uu dabka ku sii shiday holaca mucaaraddada ka soo horjeedda xukuumadda Bashar al-Assad, taas oo ay sababtay ka dib markii muuqaallo bulshada loo soobandhigay laga duubay wiilka yar oo dhiiggu ka qubanayo laabtiisa.

Qoyska wiilkan yar oo deggen magaalada dhinaca Bari ku taala ee Deir al-Zour, waxa munaasibaddii aaskiisa ka soo qayb-galay 20,000 oo qof iyada oo waliba magaciisa lagu beddelay magaca xaafaddii uu ku noolaa ee magaaladaas.

Dhinaca kale, waxa uu noqday halyey hal-ku-dheg iyo summad la taaban karo u noqday iska caabinta lagula jiro xukuumadda Assad. Mid ka mid ah dadkii qiiraysnaa ee ka qayb-galay aaska wiilka yar ayaa yidhi, “Wax buu barayey; laakiin immika isaga ayaa noqday dugsi wax laga barto.”

Wiilkan yar ayaa hore u muujiyey mucaaradnimada uu ku diiddanaa casharrada maaddada taariikhda buuggaagta dugsiga lagu dhigto ee buunbuuniya maamulka Bashar al-Asad, waxaanu markii dambe sumcad ku helay inuu noqdo ardayga ugu mucaaraddada sareeya dugsigiisa.

Ilaa wakhtigii uu bilaabmay kacdoonka dalkaas bishii January ee sannadkan waxa ku dhintay 4,000 oo qof taas oo sababtay in maamulka Asad ficilladiisa axmaqnimada ah kala kulmo cambaarayn ay u soo jeediyaan bulshada caalamku, iyada oo ay ugu dambaysay tallaabadii Ururka Carabtu xubinimadii dalka Suuriya kala noqday kalsoonidii ka dib markii uu maamulka dalkaasi ku fashilmay inuu hirgeliyo heshiisyadii nabadeed ee la soo jeediyey.

In kasta oo qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreeya mucaaradka ka soo horjeeda Asad ay dalbadeen in dalalka reer Galbeedku faro-gelin ku sameeyaan xaaladda dalkaas ka taagan, haddana waxa jira rabitaan aan sidaa u sii buurnayn oo tilmaamaya in weerar milatari lagu qaado dal siyaabo badan xaaladdiisu ula mid tahay sida Ciraaq oo kale, balse ka duwan Liibiya.

Bashar al-Assad oo xukunka dalkaas hayey tan iyo sannadkii 2000 markii uu kursiga aabihii uga dambeeyey, wakhtigan xaadirka ah waxa ku sii badanaya mucaaraddida oo iyagu aan imika gacanta ku hayn dhul gaar ah.

Somalilandpost.net

Webmaster@somalilandpost.net