Suuqyada Yurub Iyo Asia Oo Sare U Kacay

Hargeysa(SLpost)-Saamiyada ee Asia iyo Yurub, ayaa sare u kacay Jimcaha (1/22/2016), ayaga oo raacaya suuqyada Mareykanka, kadib maalmo hoos u dhac ah.

7528BFBA-E780-419C-8EBC-5D3A305FCAEC_w640_r1_s

Suuqa Tokyo ee Nikkei ayaa hogaaminayey sare u kacan, isaga oo kusoo xidhmay sare u kac 6% ah. Suuqa Hong Kong ayaa ku darsaday ugu yaraan sare u kac saddex boqolkiiba ah, halka suuqa Seoul uu kusoo xiray maalinkisii 2%.

Suuqyada Sydney, Taipei, Singapore iyo Manila ayaa sidoo kale dhibco badan helay. Ganacsiyadii ugu horeeyey ee Yurub, ayaa suuq London waxa uu helay 1.6 boqolkiiba ah, halka Frankfurt iyo Paris ay ku dareen 2%.

Sare u kaca ayaa yimid kadib markii madaxa Bankiga Dhexe ee Yurub, Mario Draghi, uu khamiistii sare u qaaday rajada ah in lacag badan oo lagu xoojinayo dhaqaalaha uu bankiga ku dhowaaqo kadib kulanka dhacaya bisha March.

Maalgashtayaasha ayaa waxaa sidoo kale dhiir geliyey kadib markii qiimaha saliidda uu xoogaa sare u kacay khamiistii.