Suuqyada Saamiga Shiinaha Oo Kor U Kac Yar Laga Dareemay

Hargeysa(SLpost)-Saamiyadii Suuqa Saamiyada ee Shiinaha ayaa waxaa ku korortay boqolkiiba in ku dhow laba marka laga gudbo in xasilooni daro ay ka jirtay suuqa saamiyada.

160108052454_china_stock_market_investors_976x549_ap_nocredit

Waa maalintii ugu horeysay ee uu dhaqan galo in laga noqdo xeer ay dowladda shiinahku suuqa saamiyada khasaaraha uga ilaalenaysay oo todobaadkan laba goor suuqa xidhay.

Lacagta shiinaha ayaa qiimaheedu kordhay ka dib markii uu bangiga dhexe ee shiinaha uu kordhiyay dulsaarkiisa tilmaanta ah, taas oo soo afjartay in lacagta oo qiimaheedu uu hoos u dhacayay sideedii maalmood ee ugu danbeysay.

Suuqyada kale ee saamiyada ee Ayshiya ayaa xoogaa iyana kor u kacay marka laga reebo suuqa saamiyada ee Japan ee NIKKEI oo isagu hoos u dhacay boqolkiiba ober dhibic shan.

Suuqyada saamiyada ee Yurub ayaa gacansigii saake wax yar kor u kacay.

Welwelka laga qabo dhaqaalaha Shiinaha ayaa horseeday in maalmo ay hoos u dhacaan suuqyada saamiyahada caalamka oo dhan.

Xigasho BBC