SUUDAAN oo Ku hawlan Qorsheyaal ay ku Xakamaynayso Tahriibayaasha Sida Sharci-darrada ah Dalkeeda uga Gudba

Khardoum (SLpost)- Wasiirka Arimaha Gudaha ee wadanka Sudan, ayaa daboolka ka qaaday In wadankiisu dib u celin doono dhamaan dadka sharci darada ku jooga wadankaasi waxaanu ku booriyey cid kasta oo waraaqo haysata inay sharciga waafajiyaan inta ka horeysa maalinta kama dambeysta ah ee xukuumadiisu mudeysay.

Babikar Ahmed Digna, Wasiirka Arimaha Gudaha Sudan, wuxuu u sheegay Saxaafada wadankaasi in xukuumadiisu ku wargalisay safaaradaha dowladaha shisheeye ee Kharduum fadhigoodu yahay inay sharciga waafajiyaan waraaqaha ay bixiyeen isla markaana si adag u fahmaan sida xukuumada Sudan go’aanka adag uga qaadatay wax ka qabashada dadka soo gallaytiga ah.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in wasaaradiisu siin doonto kaadhadh iyo aqoonsiyo  si loo sugo amaankooda isla markaana looga hor tago ka ganacsiga binu aadamka.

Waxa kale oo uu masuulkan xukuumada Khartum u hadlay intaas ku daray in dowladiisu ay si dhow ula shaqayn doonto xukuumadaha deriska ee Ethiopia iyo Ereteria oo ay iska kaashan doonaan la dagaalanka ganacsiga dadka sharci darada lagaga gudbiyo xuduudaha, is kaashigaasna midho dhalkiisa la arki doono sida ugu dhaqsaha badan.

Wuxuu digniin adag u diray dadka iyagu ka shaqeeya gudbinta dadka sharci darada ah, qofkii lagu hello arintaasna maxkamad la hor geyn doono.

Warbixin ay xukuumada Maraykanku sanadii 2012 ka soo saartay arinta ganacsiga gudbinta binu aadanka ayay ku sheegtay in wadanka Sudan uu xudun iyo goob nasiino u yahay dadkaasi isla mar ahaan taana uu yahay wadan dadkiisa qaar kamid ahi ku shaqo leeyihiin kaxaynta , rag, dumar iyo carruur isugu jira oo intaba lagu qasbo inay shaqooyinka qabtaan bilaa lacag iyadoo xataa kufsina loogu darro.

 Sudan's interior minister Minister of Interior, Ibrahim Mahmoud Hamid (C), takes place for the opening session of Interpol's 81th general assembly on November 5, 2012 in Rome. The assembly takes place from November 5 to 8.  AFP PHOTO / ANDREAS SOLARO        (Photo credit should read ANDREAS SOLARO,ANDREAS SOLARO/AFP/Getty Images)“Dowlada Sudan si buuxda uma cadaynayso in heerka ugu hooseeya la gaadh siinayo cidhibtirka dadka xuduudaha laga gudbiyo dedaalka ugu fiicana arintaas uma gallayso hadda, laakiin xukuumadu waxay qaadaysaa talaabooyin wax tar leh inta ay xogaha oo dhan hellayso ee ay si buuxda u ogaanayso ilaa heerka ay gaadh siisan yihiin, gudbinta dadka sharciga aan haysan ee ay maxkamadaynayso dadka arintan ku shaqada leh ama loogu tuhunsan yahay” ayuu yidhi wasiirku .

Dowlada U.S ayaa ugu baaqday Khardoum.” In la meel mariyo sharci adag oo ciqaab ah si loo xaqiijiyo loona soo af-jaro dambiyada ka ganacsiga dadka, lana xoojiyo dedaalada lagu baadhayo dadka lagu tuhun san yahay inay ku lugu leeyihiin ka ganacsiga iyo gudbinta dadka , lana kordhiyo maxkamadaynta dadka lagu hello arinkan, ciqaab adagna la marsiiyo kuwa gacanta ku leh arimaha tahriibinta binu aadmiga “.

Bishii March ee aynu soo dhaafnay, Waxay Baarlamaanka Sudan sheegeen inay ka sugayaan golaha xukuumada wadankaasi  ansixinta, xeerkii lagu xakamayn lahaa ka ganacsiga dadka la wareejiyo.

Bariga Sudan , khaas ahaan waxa la rumaysan yahay inay si weyn uga dhacaan soo talaabinta socotada Eriteria, Ethiopia iyo Somalia ee doonaya inay gaadhaan wadamada Yurub iyagoo gacan ka hellaya dadka ku shaqaysta tahriibinta dadka.

SOMALILANDPOST.NET