Sumaynta Eyda Ee Magaalada Boorame

Aslaamu calaykum dhamaan dadka akhriyaya qoraal kan gaaban ee ku saabsan sumaynta eyda ee magaalada boorame. Waxaan kale oo salaamayaa saxaafadda horta ah ee hadhwanaagnews ka mid tahay. 

Aniga oo aan ahayn qoraa weligeyna aan wax ku qorin website ama saxaafad toona laakiin waxaan aad uga murugooday go’aanka ay gaadheen dawlada hoose ee boorame ee ah in ay eyda sumayso taas oo ka fog waxkasta oo qof aadami ahi ku dhaqmin. Sidaynu u ognahay ilaahay isagaa wax arsaaqa naxariis gaara iyo mid guudna leh oo cidkasta uu abuuray gacantiisa ku jirtaa. Maxaa hadaba ku kelifey in dadkan aan qaan gaadhka ahayni ee loo dhiibay xilka inay sidan ula dhaqmaan mayeedhanka? Miyaanay ogeyn in naag jidhkeeda ka ganacsata oo gaala ahi inay ku janna tagtay ey waraabintii? Miyaanay se ogeyn in dilistiisu ay tahay mid cadaab lagu mudan karo?

 Miyaanay ka baqayn in cadho alle inagu dhacdo oo keeni kara silsaal, duufaano, iyo dhibaatooyin kale oo aduunka dushiisa inagu habsada? 

 Maxaa se ku dhacay culimadii wadanka joogey oo ay uga hadli waayeen dhaqankan xun? Waxan ka codsanayaa in wixii dankaleh dhibta dadkeenu ku iman karta inay kahadlaan falkan waxashnimada ah. Culimadana waxan ku boorinayaa hala ambanina kitaanka quraanka ah iyo axaadiista nebiga scw, waa wixii diinta kasoo horjeeda kahadshaan. Wsalaamu calaykum. 

 

Abdi H