“Sumadda Xukuumadda Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Abdi Waa Waxqabad iyo Aragti Siyaasiya oo Hiigsi iyo Himilo Leh” – Badhasaabka Gabiley

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Abdiqani Mohamoud Jiidhe Ayaa Maanta Kulan Muhiima la Qaatay Bahda Saxaafadda Gobolka Gebilay.

Ujeeddada kulanka oo ahaa is Barasho iyo kaalinta Warfidiyeennada Gobolka Ee Arrimaha Danta Guud & Dawrka ay ka soo Qaateen Horumarka & Wacyi-gellinta Bulshada Gobolka Ayaa Guul kusoo Dhammaaday.

Guddoomiye Jiidhe ayaa Saxaafadda Ku Sifeeyey Tiir Muhiim u ah Dhammaan Danaha Ummad kasta, waxaana uu ku Booriyey Inay Kaalinta ku Aaddan ka Qaataan ka Hortagga Xanuunka Ba’an ee Covid-19, ka Mukhaadaraadka Iwm  iyo ka Shaqaynta Masaalixda Gobolka Gabilay Ay ku jirto.

Gudoomiyaha Ayaa Carabka Ku Adkeeyey In Kulamadda Noocani ee Bulshadda Gobolka Gabilay Ay sii Wadi Doonaan.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Abdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu Maanta Xadhigga ka Jaray Dugsi Hoose Dhexe oo loo Dhisay Deegaanka Kidiga ee Waqooyiga Beri ee Gobolka Gebilay,

Munaasibadda Xadhig ka Jarka Waxaa Gudoomiyaha ku Wehelinayey Taliyaha Qaybta Booliiska, Mayerka Degmada Gabilay, Xoghaya Dowlada Hoose Xildhibaano, Isuduwaha Waxbarashada Gobolka Gabilay & Masuuliyiin Kele.

Waxaa Isla Degaanka Kidiga Maanta iyana Xadhiga Laga Jaray Xarun Daryeel Caafimaad ( MCH) oo uu Dhismaheeda Ku Deeqay Ganacsadde Deegaanka Kasoo Jeedda.

Mashaariicdan oo ah Kuwii ay Wadday Dowladda Hoose ee Gebilay Ayaa La Rajaynayaa Inay Guul ku Soo Wada Dhammaadaan.

“Astaanta & Sumadda Xukuumadda Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Abdi Waa Waxqabad & Aragti Siyaasiya oo Hiigsi iyo Himilo Leh. Waxqabadyada Gobolka ka Socdana Kuwaas Ayay Qayb ka Yihiin.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha gobolka Gabiley.

Gudoomiye Jiidhe Ayaa u Mahad Celliyay Bulshada Deegaanka Kidiga oo soo Dhawayn Gacaltooyo Usameeyey Isaga iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net