Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo oo cayimay wakhtiga qabsoomidda gogol-nabadeed oo u fidiyey beelaha Buuhoodle

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee beelaha Habarjeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo 13-kii bishan iclaamiyay gogol nabadeed oo uu u fidiyay beelaha Buuhoodle ee ay shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Kalshaalle, ayaa sheegay in shirkaasi nabadeed ka qabsoomi doono 27-ka bishan December deegaanka Taalabuur oo ku yaala hawdka Magaalada Burco.
Suldaanka oo maanta gurigiisa magaaladda Hargeysa ugu waramayay wariye Cumar Maxamed, waxa uu kaga waramay shirkan uu iclaamiyay waxaanu yidhi, “Waxaan 13-kii bishan ku dhawaaqay gogol nabadeed inaanu u dhigno beelihii deegaanka Kalshaale ay dhibaatadda iyo shaqaaqaddu ka dhex dhacday inaanu dhigno anigoo ka wakiil ah beelaha Habarjeclo. Gogoshan oo gobol nabadeed dhaqan. Waxaanan u dhigaynaa beelaha Reer Buuhoodle oo walaalahayo ah.”
“Waxaan maanta reer Buuhoodle halkan uga jeedinayaa Garaado, Waxgaradka, Dhalinyaradda iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda inay ka soo qeyb galaan gogoshan nabadeed, waxaanan idiin sheegayaa in 27-ka bishan uu shirkii aan hore u iclaamiyay diyaar yahay. Waxaanan si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanaynaa inaad ka soo qeyb gashaan shirkan,”ayuu yidhi Suldaan Cabdilaahi Suldaan Suldaan Cali.
Suldaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Waxaan idinka rajaynayaa inaad si walaalnimo iyo islaamnimo ah aad uga soo qeyb gashaan Gogoshan. Anguna waxaanu idiin soo dhawaynaynaa waji faraxsan iyo qalbi furan.”

webmaster@Somalilandpost.net