Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo Hadhi-sharafeed u sameeyey Suldaanka Ugu da’da Yar Salaadiinta Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa hadhi-sharafeed ugu sameeyey Suldaanka Beel0weynta Arab Sheekh Isaxaaq Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar ayaa toddobaadkii hore loo caleemo-saaray xilka saldannada kaddib markii uu geeriyooday Aabihii Allah ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo toddobaadkii hore aas Qaran loogu sameeyey Hargeysa.

Hadhi-sharafeedka oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Salaadiinta Somaliland qaarkood, Madax-dhaqameed, wasiirro xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Mujaahidiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Salaadiin, Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka hadashay munaasibadda ayaa ugu horeyn u duceeyey Allah u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay ku tilmaameen shaqsi qiimo badan oo taariikh miisaan leh ku leh dhismaha Qaranimada Somaliland iyo xoojinta nabadda. Waxa ay sidoo kale u duceeyeen Suldaanka Cusub Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo Noqonaysa Suldaanka ugu da’da yar madax-dhaqameedka Somaliland.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa munaasibad sidan oo kale ah Axaddii shalay u sameeyey Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net