Suldaan Samaale oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Wasiirka Cusub ee Daakhiliga iyo hadalladii duurxulka ahaa ee Madasha

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa loo sameeyay casuumad soo dhaweyn ah, taasoo ay ku maamuuseen Salaadiin ka tirsan Beesha Sacad Muuse.

Casuumadan oo ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka hadlay Salaadiin, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Ugu horeyn Suldaan Axmed Nuur Samaale oo hormood ka ahaa Salaadiinta Wasiirka Casuumada u sameeyay, waxaanu Suldaanku hambalyo iyo mahadnaq u jeediyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo sheegay in wasiirka loo dhiibay xil culus oo u baahan in wax lagala qabto. “Waxaan halkan hkambalyo iyo mahadnaqba uga soo jeedinayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiir ku soo dhawaw bulshada Somaliland ee walaalaha ah ee kalgacalka kuu haya, haddii ay yihiin  kuwii hore iyo kuwa soo socdaba. Marka hore Wasiir waxa lagu dhiibay xil weyn oo culus oo qofkasta oo xil hayaaba waxaa loo dhiibay xil culus, xilkaasina maanta wuu inala fudud yahay, laakiin beri wuu cuslaan doonaa, marka maxkamadda Illaahay la hortago.” ayuu yidhi Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ku hadlayay afka Salaaddiinta Sacad Muuse.

Waxa isna madasha ka hadlay Cabdiraxmaan Aw-Good oo aad uga mahadceliyey casuumada loo sameeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha. “Waxaanu ka mahadcelinaynaa casuumadan ballaadhan ee sharafta leh maadaama oo aanu nahay Madax-dhaqameedkii la socday Wasiirka ee la soo casuumay, waxaanu leenahay Suldaankan na soo casuumay iyo beeshiisaba casuumadan sharafta leh ee ballaadhan ee dadka badani isugu yimi waanu idinka mahadcelinaynaa boqolkiiba boqol.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa sheegay inuu xeer u yaallo maadaama oo ay jagadan soo mareen afar wasiir ilaa shan wasiir oo beeshiisa ka soo jeeda oo aanay xag-xagan markii ay wasiiradda ahaayeen, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi;  “Aad ayaanu idinka guddoonay casuumada aad noo samayseen ee ay beeshu soo qabanqaabisay. Laakiin xeer yar ayaan sheeganayaa xeerkaasi waxa weeye afar Wasiir ilaa shan Wasiir oo beesha ah ayaa isaga dambeeyey xilkaas maanaan xag-xagan, maanaanaan ku tuurtuurin, maanaanaan eryin ina’adeer xeerkaasaan sheegtay oo xeerkaasa inoo yaallay (Hadda waa marka aanu nahay beesha Garxajis) Joornaal waxba kumaanan qorin shir jaraa’id u maanaan qaban idinkuna waatan aad joornaalka badan aad leedihiin, marka halka turaanturo badan may lahayn. Marka Suldaan sidii aanu hore la shaqayn jirnay idinkuna aad noola shaqaysaan.”

Waxa isaguna casuumadaas ka hadlay Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Warran-cadde oo sheegay inuu Duur ahaa ninkii ugu horreyey ee kula taliyay inuu jagada qabto marka laga reebo Muuse Biixi Cabdi, isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi: “Waxaan halkan hambalyo uga soo jeedinayaa beesha casuumadan samaysay oo aan leeyahay aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaynaa casuumadan ballaadhan ee aad Wasiirka u samayseen. Mar labaad waxaan doonayaa inaan halkan idinka sheego dadkeena waxa u caado ah in had iyo jeer kuraasida dadka madaxtinimada doonayaa ay u socdaan oo ay u ordaan oo ay Salaaddiinta kexeeyaan oo ay meel walba u maraan. Waxaan doonayaa inaan madashan ka sheego inaanu Duur intaaba aanu midna ahayn oo aanu u socon oo aanu u ordin ayaan caddaynayaa, laakiin ninkii ugu horreyey ee aniga ila jeclaada inaan jagadaa qabto ayuu ahaa Duur, marka laga reebo Muuse Biixi. Sidaa awgeed waa nin ay ka maarmi wayday ee aan isagu doonanin xilkan, markaa aynu la shaqayno oo aynu is-garabtaagno.” ayuu yidhi  Cali Maxamed Warran-cadde.

Waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata; “Mar haddii loo baahday  inuu isagu jagadaa qabto waa in isaga lagala shaqeeyaa hawshan culus ee uu qaranka u hayo.” “Shalay wasiirku wuxuu yidhi ‘UDUB waan ka baxayaa’, markaa arjigu wuu soo maqan yahay oo annaga ayuu nagu soo maqan yahay. Inta aan  aqbalayno ama diidayno, Wasiir labada magacba (UDUB iyo KULMIYE) ku sii shaqee.” Ayuu yidhi Cali Warancadde.

Waxa isaguna gebogebadii casuumada ka hadlay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo beesha ugu baaqay inay kala shaqeeyaan hawsha culus ee loo igmaday. “Runtii shacabka reer Somaliland ee ii qadariyey aad ayaan ugu mahadnaqayaa, si guud waxaan ugu mahadnaqayaa dhammaan inta ka soo qaybgashay munaasibadan, mar labaadna waxaan u mahadnaqayaa Beeshan ii samaysay xaflada oo aan leeyahay waad ku mahadsan tihiin. Waxa kale oo aan doonayaa inaad ila shaqaysaan maadaama oo hawshan la iidhiibay ay tahay hawl culus.” yidhi Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net