Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir Oo Maxamed Biixi Aqoon Ku Ammaanay Muuse Biixina Askarinimo Ku Duray

 

 

Hargeysa(SLpost) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa taageero aad ah la garab istaagay musharaxa Kulmiye ee Maxamed Biixi Yoonis, halka Muuse Biixi diidmo cad u muujiyay islamarkaana weedho weerar ah ku gannay. Suldaanka oo qayb ka ahaa soo dhaweyn maanta loo sameeyay wasiirka arrimaha dibadda waxa uu sheegay inaan dalkani u baahnayn Askari.

 

“Dhammaan dadweynaha halkan iskugu yimid waxay soo dhaweynayaan wasiirka arrimaha dibadda ahna musharaxa madaxweynaha mustaqbalka. Illaahay waxaan uga baryayaa inuu ku guulaysto. Midna waan idiin sheegayaa, xukun askari Siyaad Barre ayaa inoogu dambeeyay, dooni mayno askari dambe. Askari khayr nooma leh. Ninku hadduu askari soo maro wuxuun buu moodayaa inuu ciidankii hor joogo oo digtoonow uun buu nafta kaaga saarayaa,” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Laakiinse, waxaan leeyahay Maxamed Biixi Yoonis waa nin aqoon yahan ah. Waa nin hawl kar ah, wax badana soo qabtay, oo diblamaasiyaddii Somalia iyo tan Somaliland intaba wax ka soo qabtay, waana nin reer Awaare ah oo isku degaan baanu nahay. Waa nin arday sida wax loo baro iyo macalinnimana soo maray.”

 

Suldaanku wuxuu sheegay inay ka Salaadiin ahaan aanay cid gaar ah taageerayn si aan looga caban “ Illaahay baa og cid guulaysanaysa laakiinse annagu dhex baanu nahay si aan nalooga caban oo loo odhan Suldaanku kanna wuu taageerayay kana wuu ridayay,” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Waxa uu farriin u diray Suldaanku dadka wax dooranaya “Waxaan leeyahay dad yahow indhaad leedihiin, dhegaad leedihiin, aqoon baad leedihiin ee cidii dalka wadi karaysa ha loo codeeyo sida Maxamed Biixi Yoonis oo kale. Waa nin aqoon yahan ah, taariikhda umaddana aad looga yaqaan. Qoladiina golaha dhexe dadaal badan sameeya si aad xisbiga dhidibadiisa u adkaysaan.