Suldaan Maxamed Cabdiqadir: “Buur-madow bay Baratee, Bad-madow baanu caleemo-saarnay”

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inuu Aqoonsan yahay isla markaana ay meel-mar tahay Boqornimada loo caleemo-saaray Boqor Axmed Max’ed Xasan (Boqor Bad-madow) oo dhowaan lagu caleemo-saaray magaalada Hargeysa.

ASADSuldaanka oo ay weheliyaan qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo maanta Boqor Axmed kula kulmay, waxa uu halkaas ku caleemo-saydhay ugu hibeeyey Boqornimada hore loogu caleemo-saaray boqor Bad-madow, isaga oo sheegay maadaama uu yahay Suldaanka Beelaha Somaliland in Shacabka iyo bulshada kale ee Somaliland ku taageeri doonto boqornimadiisa.

Kulanka dhexmaray Boqor Axmed Bad-madow iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo sara-joog ka laysku waajahay, waxa kale oo halkaas Derejada loo cumaamaday Boqor Bad-madow u hibeeyey ugu duceeyey madax-dhaqameedkii kale ee madasha ku sugnaa.

HALKAN KA DAAWO