Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Baaq Qaylo Dhaan ah Ka Bixiyay Dadka Abaaruhu Ku Saameeyeen Waqooyiga Gobolda Gabiley iyo Awdal

Gabiley, (SLpost)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo kamid ah Madax-dhaqameedka Gobollada Gabiley iyo Awdal, ayaa qeylo ka bixiyay in gurmad degdeg ah lala soo gaadho dadka xoolo dhaqatada ah, ee ku nool Waqooyiga Gobolada  Gabiley iyo Awdal, oo abaartu saamayn culus ku yeelatay dad iyo duunyaba.

Waxa uu Suldaanku qeyla dhaantiisa u gudbiyay, baaqna ugu gudbiyay Hay’adaha Samfalka Caalamiga ah, Xukuumada iyo qurba jooga Smalilandba in ay gurmad degdeg ah oo cuno iyo hu, ah lasoo  aadhaan kuwaas oo sida Suldaanku sheegay hada qaxooti ahaan iyo barakac kusoo gaadhay tuulooyin kamid ah Waqooyiga Gabiley iyo Awdalba.

“Waxaan u rajaneynaa in illaahay shacbigan kasoo gaadho dhibaatada abaarta ee saamaynta adag ku yeelatay illaahow ka sokow, waxaan usoo jeedinayaa Xukuumada ,Hay,adaha Samafalka Caalamiga ah iyo qurba jooga Somalilandba in dadkan lala soo gaadho gurmad degdeg ah maadaama, ay xoolihii abaartu ka madhisay oo aanay hada heysanin cunto iyo hu,ba kuwaas oo intoodii badnayd kusoo qaxeen tuulooyinka Waqooyiga GoboladaGabiley iyo Awdalba, waxaana loo baahan yahay in degdeg loo soo
gaadho, waayo xoolihii way dhamaadeen markaa waxaa ku xiga dadkii oo daranyo u dhimanaya mar labaad ayaanu codsanaynaa, dhinacyadaa aanu lahadalnay in ay usoo gurmadaan oo ay si degdeg ah usoo gaadhaan”Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in aanay dadkan uu sheegay aanay jirin meel baabuur gaadhayo oo wax loogu geeyaa iyagoo, hada ku sugan xaalad adag islamarkaana aanay wali gaadhin Xukuumada iyo Warbaahinta ka waramaysay abaaraha, waana mid daba taxan ah ilaa Waqooyi ilaa Xeeb.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net