Suldaan Barre: Madax-dhaqmeed La God Galay Sharaf iyo Dhawrsanaan W/Q Siciid Gahayr”

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Waxa ay ahayd maalin Jimce ah 11/Ogos/2013-ka markii aan maqlay in xiisad colaadeed ay ka oogan tahay Deegaanka Gawsa-weyne isla markaana ay Xukuumadda Somaliland waddo qorshe iyo shirar lagu demiyo gulufka kala geynaya bulshada wada dhalatay ee maangaabku dab iyo gaas ku hurinayaan. 20/Ogos ayaan u dhoofay Jabuuti, waxaase ayaan-darro ah inaan maalin kaddib warbaahinta ku arkay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay fadqalaladii ka hortaggeeda la-waday. Waxase nasiib-wanaag ah in ciidammada Qaranka Somaliland kala dhex-galeen beelihii diriray. Waxa kale oo aan ku diirsaday maqalka in guurtida iyo waxgaradka dalku ku qulqulayaan arliga mashaqadu ka dhacday, isla markaana qoonduhu yahay in hab-dhaqameed lagu gunaanado xurgufta horseedka u noqotay hoyashada iyo waxyeellada dad aan innaga go’in.

 

Nimco weliba nusqaanteeda lehe, waxa mar kale murugo igu abuuray war sheegaya in goor habeennimo ah uu daad rogmanayaa qaaday gaadhi uu saarnaa Suldaan Barre Warsame Shire oo maraya Dooxa Dacar-budhuq isla markaana raq iyo ruux la raadinayo. Dhambaallada iska soo daba-dhacayaa waxa ay gunaanadkii xaqiijiyeen in uu xijaabtay lana helay meydkii Suldaanka oo ku sii jeeday dhulkii Gawsa-weyne ee shalay la isku hirdiyay. Alle ha u naxariisto, qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ummadda Somaliland-na Eebbe samir iyo iimaan run ah ha ka siiyo.

 

Aniga oo haddii Alle igu simo mar dambe faahfaahin doona sooyaalkiisii iyo sifahiisii dadnimo, waxa aan qormadan kooban ku milgeynayaa, kuna xusayaa intii aan ka aqaannay Suldaan Barre Warsame Shire oo aanu dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay deris ku ahayn Degmada Gacan-libaax gaar ahaanna Xaafadda New Hargeysa.

 

Suldaan Barre waxa uu ka mid ahaa inta ku astaysan inay ka shaqayso danta guud ee ummadda, waxa aan xasuustaa doorkii uu ka geystay furitaanka Dugsiga Sare ee Warancadde Secodary School oo ku yaalla halkii uu ahaan jiray kawaankii hore ee caasimaddu, kaas oo muddo u xannibaa waxyeello ka soo gaadhay roobab ka da’ay Hargeysa. Kaas oo ugu dambayntii la furay sannadkii 2011-ka maanta ah iskuul ay ardaydiisu gu’ga dambe u fadhiisanayaan imtixaannada shahaadiga ah ee ay qaaddo Wasaaradda Tacliinta Somaliland.

 

Suldaan Barre waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Guddigii u xilsaarnay caawimada Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeya ee uu kala diray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin horraantii 2010-ka, inta karaankooda ah u hagar-baxay dhaktarka guud ee caasimadda. Waxa uu ahaa nin ehlu-cibaado ah oo inta badan aan ka maqnaannin masaajiddada iyo goobaha wanaagga lagu hindisayo.

 

Kama uu mid ahayn madax-dhaqameedka sida joogtada ah warbaahinta loogu arko ee ama xisbi u ololeeya, mid kale-na naqdiya. Waxa uu se ahaa nin ku waaniya cid kasta inay ka fogaadaan cayda, af-legaadda iyo falalka horseedaya kala irdhaynta bulshada. Sannadkii 2009-ka oo ay Somaliland gashay xamaasado siyaasadeed oo muran badan dhaliyay, mar uu Suldaan Xasan-Barre ka qayb-galay munaasibad ay saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ku kala saxeexanayeen xeerka anshaxa doorashada waxa uu yidhi ““ Waxaan ku ducaynayaa in Ilaahay ina siiyo wadahir iyo wa-wadaqbsi, waxana aan u rajaynayaa saddexda xisbi-qaran sida ay maanta [shalay] halkan ka saxeexeen ee wanaagsan u wada shaqeeyaan, yooyootankii, caydii iyo waxyaabihii inna wareeriyeyna ay halkaa ku xidhanto.”

Qiimaha uu lahaa waxa aad ka garan kartaa sida ay geeridiisu u tahay warka ugu weyn ee lagu baahinayo saxaafadda Somaliland iyo tacsiyaha mugga leh ee ay dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axsaabta Mucaaridka ah, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada, iyada oo aan loo kala hadhin.

Waxa kale oo aan qirayaa inuu Suldaan Barre ahaa nin dhawrsan af iyo addinba kuna shaqeeya hadaf, himilo, higsi iyo hagaajin, isla markaana aanu ahayn inta ku hawl-gasha weji-ku-macaash iyo yoolal adduunyo lagu raadiyo. Aniga oo aan ku taraarin maqaalka waxa aan leeyahay Eebbe Marxuum Suldaan Xasan Warsame Shire (Barre) godka ha u nuuro. Dhammaanteenna samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

0025377086114