Suldaan Adan Faarax oo Xukuumadda ugu Baaqay inay Dhakhtar-dibadeed u dirto dadkii ku Wax-yeeloobey ShaqaaqadiiHargeysa

Hargeysa (SLpost)- Suldan Adan Faarax oo ka mida Madax-dhaqameedka Caasimadda, ayaa xukuumadda Kulmiye ugu baaqay in dadkii ku dhaawacmay ee xabadda nool loo adeegsaday la geeyo dhakhtaro dibada ah, iyadaoo qoysaskii iyo qaraabadii culays badani saaran yahay, sii eegashada dadkaa dhaawaca ahina ay  abuurayso calool xumo iyo niyad jab ku yimaada muwaadiniin badan.

suldan aadanWaxaa kale oo Suldaan Adan Faarax waxa kale oo uu ka Hadley xaaladda magaalada Saylac, “Waxaan ka mid ahaa da’yartii lixdankii codeysay, Saylacna wakhtigaa doorashooyin lagama qaban ee sideeda ayaa loo soo magacaabi jirey, iyada oo Maanta nus qarni laga joogo in maanta dhib iyo hagar daamo lala doonto runtii waa arrin aan qaban shacabka Saylac ee harraadka iyo kulaylka xeebta ladaalaa-dhacaaya,” ayuu yidhi Suldaanku waxaanu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata, “waxaan ku tallin lahaa in dawladu Gudoomiye iyo kuxigeen deegaanka ah umagacawdo Saylac si hawluhu caadigoodii ugu soo noqdaan.”

Suldaan Adan waxa uu sheegay in Cadaalad-darradu dhacayso, Xaquna guulaysanayo haseyeeshee ay shacabku ka shaqeeyaan midnimadda iyo wada jirka dalka.

Somalilandpost/Hargeysa