Laba Dawladdood Oo Isku Maan-dhaafay Xukun Dal-dalaad Ah oo lagu Fuliyay Haweenay Adeegto Ah

Riyaad, (SLP)- Dawladda Sucuudiga, ayaa  salaasadii todobaadkan xukun dal-dalaad ah ku fulisay jaariyad u dhalatay dalka Indonesia, ka dib markii lagu helay inay toorey ku dishay haweenaydii ay u shaqaynaysay.Siti_Zainab_binti_Duhri

Siti Zaenab Duhri, ayaa waxaa lagu eedeeyay in dilkan gaysatay sanadku markuu ahaa 1999-kii, intaana la suggaayay inta ay ka soo barbaarayaan caruurtii ay dhashay marxuumaddu.

Maamulka Sucuudiga, ayaa suggayay inta ay ka soo barbaarayaan carruurta yar yar ee waalidiintooda lagu dilo dalkaasi, si loogala tashado wixii laga yeeli lahaa qofka waalidkood dilay, haddii loo dili lahaa, magdhow looga qaadi lahaa ama in la cafiyo.

Dawladda Indonesia oo ka cadhootay falka lagu daldalay Siti Zaenab Duhri,,iyadoo u yeedhay Safiirkeeda dalka Sucuudiga, si wax looga waydiiyo dilkaas.

Indonesia, ayaa Safiirkeeda ku wargelisay inuu ka dhiidhiyo dilka Siti Zaenab Duhri, oo Xukuumadda Jakarti ay si adag uga hortimi.

 

Wararka Caalamka

Somalilandpost.net