Sucuudiga Oo Diiday Inuu Aqbalo Daanyeer Laga Soo Dhoofinayay Sweden Iyo Sababta Uu U Cuskaday

DaanyeerRiyaad, (SLP)- Sucuudiga ayaa diiday in daanyeer looga soo dhoofiyo dalka Sweden iyagoo sabab uga dhigay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in qorshuhu ahaa in afar daanyeer laga dhoofiyo dalkaas oo la geeyo beer xawayaannada lagu xanaaneeyo oo ku taalla dalka Sucuudiga.

Madaxda beerta xayawaannada daanyeerka laga soo qaadi lahaa ee Sweden ayaa sheegay in Sucuudigu u sheegeen inaan loo baahnayn daanyeerkaasi.

Sucuudiga ayaa hore ugu yeedhay safiirkoodii Sweden, iyagoo weliba ka noqday heshiis ay hub kaga iibsan lahaayeen dalkaasi, kaddib markii labada dal uu soo kala dhex galay khilaaf.

Sweden ayaa ka hadashay xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Sucuudiga, taasoo ka cadheysiisay mas’uuliyiinta dalkaasi.