Sucuudiga oo boqolaal dadka jidadka ka dawarsada ah xidh xidhay

Boqortooyada Sucuudiga aya boqolaal dadka jidadka ka dawarsada ah xabsiga u taxaabay, ka dib markii dadkaasi sida la sheegay, ujeedada ay dariiqyada uga tuugsanayaan isugu soo ururtay dhaqaale doon balse aanay ahayn mid baahi u gaysay. Dadka la ururiyay ayaa u badan dumar iyo dadka laxaadkoodu dhiman yihiin kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah la ogaaday inay hanti badan haystaan oo noloshooda kafayn karta. Dawladda Sucuudiga ayaa marar hore oo tira badan jidadka dalkaas ka ururisay boqolaal qof oo dadka dawarsada ah, kuwaas oo laga codsaday in meelo lagu quudiyo la dejiyo hasa yeeshee ka soo baxsaday qaar ka mid ahiina ay markii hore ku doodeen inay joojinayaan. Basle markii la sii daayay wakhti yar ka dib lagu arkay iyagoo dib jidadka waaweyn ee magaalooyinka uga bilaabay tuugsigii. Dadka ka dawarsada jidadka magaalooyinka waaweyn ee dunidda ayaa qaar badan oo ka mid ah la ogaaday inay lacag iyo dhaqaale ka raadini u gaysay oo ay ku xoogsadaan, mararka qaarkoodna ay ka dhaqaale iyo hanti badan yihiin kuwa ay ka dawarsanayaan ee ay baryayaan. Arintan ayaa ah mid sidoo kale dalkeena ku soo badanaysa waxaanad arkaysaa dad badan oo jidadka iyo meelaha basaska laga raaco ka dawarsada, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahii yihiin dad laxaadkoodu dhiman yahay oo curyaamin ah kana yimi dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia waxa ugu badan ee dadkani urursadaan waa lacagta. Haddii aad isku daydo inaad mid ka mid ah waydiiso inuu halkan isaga tagayo haddii wax uu cuno la siiyo waxa uu ku siinayaa jawaab aanad ku qanci karin, isla markaana wajigiisa ayaad ka dheehan kartaa sida uu uga xumaaday soo jeedintaada. Dhinaca kale dadka lacagaha badala ee meelaha u dhow fadhiista goobaha dadkani ka dawarsadaan waxay kuu sheegayaan inay maalin walba lacag badan oo ay soo dawarsadeen dadkaasi ugu bedelaan lacagta birta ee laga isticmaalo dalka Itoobiya, ayna muuqato in dakhliga soo galaa ka badan yahay baahida ay muujisanayaa.